U bood dhigaalka

Khasaaro Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Buulo-burde

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo degmada Buulaburte ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miinada nooca dhulka lagu aaso ah lagu bur buriyay qeybta nasiinada ee garoonka diyaaradaha degmada.

Qaraxa ayaa la sheegay in si gaar ah uga dhacay qeybta dadka shacabka ah ay ku sugaan diyaaradaha, xilli uu ka dhashay qaraxa khasaaro isugu jira mid hantiyadeed iyo Mid naftaba.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxa saaka ka dhacay garoonka diyaaradaha Degmada Buuloburte, xilli ay burbureen dhismayaashii garoonka.

Maamulka degmada ayaa xaqiijiyay in qaraxa ay ka dambeeyen Ururka Alshabaab.

Goobjoog News