U bood dhigaalka

Khasaaro Ka Dhashay Weerar Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed Oo Ku Yaallo Sacuudiga

Sheeko:Amniga

Diyaaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drone-ka oo ay leeyihiin Xuutiyiinta Yamen ayaa duqeyn ka fulisay gudaha garoonka diyaaradaha Abha  ee dalka Sacuudiga sida ay sheegen xulafada uu horkacayo Boqortooyada.

Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay 8-qof ayaa ku dhaawacantay weerarka lagu qaaday garoonka diyaaradaha sida lagu cadeeyay bayaan rasmi ah oo ka soo baxay xulafada Sacuudiga uu horkacayo ee dagaalka kula jirto Xuutiyiinta Yamen.

Bayaanka ayaa sidoo kale sacuudiga ku sheegay in garoonka lagu soo qaaday weerar labaad balse ciidamada ay dhexda ka qabteen diyaaraddii weerarka soo qaadday.

“Sideed qof ayaa lagu dhaawacay weerarka, waxaana ay waxyeello kasoo gaartay diyaarad rayid ah , Weerarka labaad ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha waxa uu ka dhigan yahay dambi dagaal.” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Xuutiyiinta ayaa dagaal xooga kula jirta xulafada uu horkacayo Sacuudiga, xilli marar badan ay Xuutiyiinta ay weeraro gantaallo loo adeegsaday ay ku dhufteen keydmaha Shidaalka Boqortooyada.

Goobjoog News