U bood dhigaalka

Kheyre, Intaadan Ka Welwelin Amniga Dalalka Dariska, Bal Meel Ku Sheeg Midka Muqdisho?

Sheeko:Amniga

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa la sheegayaa inuu shalay golihiisa wasiirrada kala hadley in ay soo diyaariyaan siyaasad lagu xakamaynayo qaxootiga soo galaya Soomaaliya ee ka imaanaya dalalka ay dagaalladu ka holcayaan!

Kheyre intaas uma ekaane,  waxaa uu dood dheer ka galay hannaanka dib-u-eegista sharciyada socdaalka iyo dal-ku-galka, ajaanibta iyo qaxootiga dalka soo geliya iyo kuwa horay u joogay iyo saamaynta qalalaasaha wadamada deriska ay ku leeyihiin qul-qulka qaxootiga dalka soo gelaya!

Warbixintan uu xafiiska ra’isul wasaare Kheyre u qeybiyey warbaahinta laguma sheegin dalalka uu ula jeedo “dagaalladu ka holcayaan”, sidoo kale kuma cadda sida qaxooti dalkeenna magan-galyada u soo raadsaday ay u qalqal-geliyeen dalalka dariska, kumana jirto cid wax geysatay, xilli la geystay iyo xataa dal loo geystay intaba!

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre iyo xukuumaddiisa waqtiga ay ku bixinayaan in ay ka hadlaan amniga gobolka bal may ka hadlaan midka caasimadda Muqdisho oo faraha ka baxaya, qaraxyada marka laga soo tago, waxaa socdo dilal loo geysto shacabka iyo shaqaalaha dowladda.

Axaddii, maalinta uu ra’isul wasaare Kheyre ka welwelsanyahay sida ay qaxootiga Soomaaliya ugu soo qul-qulayaan, gaar ahaan kuwa uu ku sheegay inay “dalalka dagaalladu ka holcayaan”, xakameyntooda iyo xataa saameynta ay yeelan karto qalalaaso laga yaabo inay abuuraan dalalka dariska,  waxaa uu qarax ka dhacay meel  hal KM u jirta xafiiskiisa, oo ah xarunta degmaga Howl-wadaag, 6 qof ayaa dhimatay halka 16 kale oo 6 caruur ku jiraan ay dhaawacmeen. Ma aha markii ugu horeysay oo waa amni-darro iyo cabsi joogto ah.

Xukuumadda Soomaaliya ee ka doodeysa saameynta ay Soomaaliya ku yeelan karaan qaxootiga ka imaanaya dalalka dariska ah, Aqalka cad waxaa uu ku daray liiska 6 dal oo loo diiday dal ku-gal, lamana arko iyada oo ka hadleysa, Soomaaliya lacagta ugu badan waxaa ay uga baxdaa hey’ado dallaaliin ah oo sheegay inay fududueyn karaan sidii uu madaxweyne Farmaajo ula kulmi lahaa madaxda aqalka cad iyo Congress-ka.

Xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre , dalalka ay leedahay waa holcayaan ee qaxootigooda hala xakameeyo waxaa ku jira dalka Yemen.

Dalkaasi, Yemen waxaa uu Soomaali ka badan 300,0000 hayey muddo 28 sano ah,  Soomaalida halkaasi joogtay waxaa la geeyey  xerada Jaxiim balse waa laga soo raray dabaayaqadii 90-meeyadii, waxaa ay hadda ku jiraan Xerada Xaraz oo ku taalo gobolka Laxaj ee koofurta dalka Yemen, waxaana loola dhaqmaa si fiican iyada oo laga duulayo heshiisyo ay ka mid yihiin “non-refoulement, qodobka 33-xaad ee 1951 ee heshiiska qaxootiga kaas  oo mamnuuceysa in Qaxootiga si qasab ah lagu celiyo, Geneva Conventions 1949-tii iyo heshiisyo kale.

Soomaaliya kuma jirto dalalka ay qaxooti badan  joogaan ama lagu ogyahay, marka qaxootiga Yemen laga soo tago, Tanzaaniyiinta, Suuriyaanka iyo dalalka kale ee ay dadka ka joogan halkan waa xirfadleyaal ay Soomaalida ka faa’ideysto.

Sida ku qoran heshiisyada caalamiga ah, qaxootiga waa in ay helaan nabadgalyo, Biyo, Caafimaad iyo Waxbarasho.

Haddaba, Ra’isul wasaare Kheyre int ay ku mashquuli lahaayeen qatarta ka iman karta qaxootiga iyo nabad-galyada dalalka dariska ah, waxaa haboon inay ka shiraan sidii loo sugi lahaa amniga dalka, loona xisaabtami lahaa cidda mas’uuliyadda iska leh xusuuqa maalin walbo lagu hayo shacabka reer Muqdisho ee midkii shalay ugu dambeyey.

Goobjoog News