U bood dhigaalka

Kheyre Oo Hay’adaha Amniga Faray Iney Soo Qabtaan Dadka Dhibaateeya Dhallinyarada Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kulan la qaatay dhallinyaradii dhowaan dib looga soo celiyey dalka Liibiya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya u dulqaadan doonin dadka dhibaateeya dhallinyarada.

Si gaar ah wuxuu Ra’iisul wasaaraha farta ugu fiiqay kuwa la magac baxay magafayaasha, isaga oo tilmaamay haddii ay Soomaali yihiin in dowladda ay gacanta kusoo dhigi doonto.

Kheyre ayaa faray hay’adaha amniga iney soo qabqabtaan magafayaasha dhibaateeya dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Haddii aad tahay Soomaali oo aad la baxday Magafe, waa inaad ogaataa in dawladda Soomaaliyeed ay tahay Madaasho oo ay kaaga daba imanayso meel kasta, caddaaladana ku horgayn doonto. Waxa la rabaa hay’adaha amniga Qaranka inay ka shaqeeyaan sidii loo soo qab-qaban lahaa dadka dhibaateeyey dhillinyaradeena.” Ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ineysan naftooda halis ku gelin badaha oo aanay dalkooda ka tahriibin.

Goobjoog News