Kheyre Oo Ka Hadlay Sida Lagu Afjari Karo Khilaafka Siyaasadeed Ee Dowladda Federaalka Ah Iyo Dowlad Goboleedyada

Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ay muhiim tahay soo afjaridda khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Ra’iisulwasaaraha ayaa tilmaamay in haddii ay jirto waxyar oo khilaaf ah oo u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ah laga tago loona jeesto sidii midnimo iyo amni lagu heli lahaa.

“Wax yar oo khilaaf ah waxay aheyd inaan ka barano inaanu xoogga saarno midnimo dadka Soomaaliyeed,  waxay u baahanyihiin amni waxay u baahanyihiin horumar,  waxay u baahanyihiin xuriyad,  waxay u baahanyihiin dhaqaale oo dalkooda iyo dadkooda ay ku dhaqmaadaan”.

Hadalka ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa ku soo beegmayaa xilli khilaaf weyn uu ka dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa waxaa uu salka ku hayaa mid siyaasadeed, taasi oo lagu wado in looga hadlo shir ka dhici-doona Muqdisho 28ka bishan.

Goobjoog News

Related Articles

40 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW