U bood dhigaalka

Khilaaf Ka Dhashay Diiwaangelinta Puntland Ee Gobolka Mudug

Sheeko:Amniga
Xilli dowlad goboleedka Puntland gobolka Mudug ay ka bilowday diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada qof iyo cod ayaa waxaa soo baxaya muran ku aadan deegaannada gobolka, kaas oo u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo Puntland oo wada mashruuca diiwaan gelinta.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Abshir Abdi Shiikhoow oo shir’jaraaid qabtay siweyn u cambaareeyay maamulka Puntland oo diiwaangelinta doorashada qof iyo cod ka billaabay deegaannada Dhinowda iyo Hirsalaama oo  uu sheegay wasiirku in ay ka  tirsan yihiin Galmudug.
Wasiirka Shiikhoow ayaa sheegay in maamulka Galmud aysan aqbali doonin tallaabada ay qaadan Puntland, isaga oo ugu baaqay maamulkain  waantowdo baabi’inta nabadda iyo is dhexgalka dadka daga deegaannadaas ee ka kala tirsan labada maamul ee deriska ah.
 “Mala idinka aqbali doono in aad diiwaangashataan dad aan Puntland kasoo jeedin oo ku nool dhul aan Puntland ka tirsaneen, ka waantooba arrintaas, yaan laga shaqeyn burburinta amniga iyo nabad ku wada noolaashaha dadkaan walaalaha ah” ayuu yiri Wasiirka.
Gobolka Mudug ayaa waxaa deegaannadiisa ka kala arrimiya maamullada Galmudug iyo Puntland, waxaana in badan ka dhacay dagaallo u dhaxeeyay dhinacyad, walow muddooyinkii dambe deegaannada gobolka oo ay ku jirto Gaalkacyo nabad loogu wada noolaa.
Goobjoog News