U bood dhigaalka

Khilaaf Ka Jira Doorashada Hirshabelle

Sheeko:Amniga

Doorashada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa muuqata inuu khilaaf hareeyey kadib markii madaxweyne Maxamed Waare ka daba tagay guddigii farsamaha ee uu horay u magacaabay.

Madaxweyne Waare ayaa ka horyimid jadwal ay dhowaan ay soo saareen guddiga doorashada isaga oo badalay maamulkii iyo qaabkii ay wax u wadeen isla markaana laalay wixii ay horay u qabteen.

Maamulka Waare ayaa ku doodaya in guddiga uu ahaa mid guddi farsamo, oo aan la dhameystirin, oo haween ayaa ka maqan, hawlo shaqo aan loo sameyn, sidaasi ay tahay isbadal lagu sameeyey.

Wararka qaar ayaa sheegaya in khilaafka uu dhashay jadwalka doorashada iyada oo madaxweyne Waare uu ka biyo diidan yahay in doorashada Hirshabelle ay dhacdo kahor doorashada federaalka ah ee Soomaaliya oo dhaceysa dhammaadka sanadkan.

Goobjoog News