U bood dhigaalka

Khilaafka canshuurta ee u dhaxeeya wasaaradda maaliyadda iyo maamulka gobalka Banaadir oo la dhameynayo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gudiga Maaliyada Barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in la dhamayn doono maalmaha soo aadan khilaafka ku saabsan canshuur qaadista ee u dhaxeeya Wasaarada Maaliyada xukuumada Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Xildhibaan Jaamac Maxamed Ibraahin oo ka mid ah Gudugaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm in ay u yeeri doonaan Wasiirka Maaliyada si ay wax uga waydiiyaan murankan u dhaxeeya labada dhinaca.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray Xildhibaankan in rajo ay ka qabaan dhamaynta murankan soo kala dhax galay Wasaarada Maaliyada Iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Dhawaan waxaa soo shaac bacay khilaaf la sheegay in uu u dhaxeeyo maamulka gobalka Banaadir iyo wasaaradda maaliyadda kaa oo ku aadan canshuur qaadista magaalada Muqdisho.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News