U bood dhigaalka

Khilaafka Masar Iyo Sudan Oo Cirka Isku Shareeray

Sheeko:Dalka

Waxaa kor dhay khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladaha Masar iyo Suudaan, iyadoo dowladda Suudaan ay gabi ahaan joojisay badeecadihii ay ka keensan jirtay Masar.

Ilaa iyo hadda go’aanka ay ku mamnuucday Suudaan ganacsiga kala dhaxeeyay Masar ma aysan caddeynin, balse Suudaan ayaa muwaadiniinteeda waxay ku wargelisay inay badeecadaha ay kala soo degaan wadamada kale oo aysan Masar waxbo kala soo dagin.

Go’aankaani ayaa waxa uu saameynayaa shirkadaha ganacsi  ee Masar kuwaas oo Suudaan u soo dhoofin  jiray badeecooyin kala duwan.

Go’aanka ay qaadatay dowladda Suudaan ayaa waxa uu sii hurinayaa khilaafka u dhaxeeya labada dalka, iyadoo horay maxadweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir uu ugu eedeeyay dowladda Masar inay taageerto Fallaagada ka dagaalanta gobolka Daafuur.

Goobjoog News