U bood dhigaalka

Khilaafka Masar Iyo Suudaan Oo Sii Kordhaya

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ayaa iska fogeysay eedeymo ay u soo jeedisay dowladda Suudaan taasi oo ku aadan in Masar ay taageerto kooxaha fallaagada ee ka dagaalanta gobolka Daafuur.

Axmed Abuu Zeyd oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ayaa sheegay in dowladda Masar ay ixtiraamto qarannimada iyo dhulka Suudaan isaga oo intaasi ku daray in Masar dhowreyso qawaaniinta caalamiga ah aysana ku xadgudbin deriskeeda.

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa shalay sheegay in ciidamada Suudaan ay gubeen baabuur dagaal oo ay laheyd dowladda Masar kuwaas oo ay wateen fallaagada ka dagaalanta gobolka Daafuur.

Mudooyinkii dambe ayaa xiriirka u dhaxeeya Masar iyo Suudaan waxaa soo kala dhex galay xiisado, kuwaas oo ku saabsan khilaafka xuduudeed ee u dhaxeeya labad dowladood iyo arrinta biyo xireenka wabiga Niil.

Dalka Suudaan waxaa uu ku andacoonayaa Xalaa’id iyo Shalaatin oo hadda ay heysato Masar, arrimaha biyaha waa dhibaato, waxaa intaas oo dhan ka daran labada dhinac oo hadda bilaabay in midkood kan kale ku eedeeyo taageerada fallaagada.

Goobjoog News