U bood dhigaalka

Khilaafka Sudan iyo Itoobiya oo Cirka Isku Shareeray

Sheeko:Amniga

Waxaa sare u sii kacday xiisadda colaadeed ee ka soo cusboonaatay dalalka Sudan iyo Itoobiya, taas oo salka ku hayso dil ciidamada Itoobiya ay u gaysteen dad rayid ah iyo askar Sudanis ah.

Militeriga Sudan ayaa sheegay in jawaab adag ay ka bixinayaan dilka ciidamada Itoobiya ay u geysteen muwaadiniinta dalkooda.

Dhanka kale xukuumadda Sudan ayaa u yeertay safiirkeeda u fadhiyay adis ababa, waxaana meeshii ugu xumad gaaray xiriirka labada dhinac.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay ku sheegtay in ciidamadaas iyo dadka shacabka ah aysan dilin ciidamada Itoobiya, balse ay ku baxeen shaqaaqo dhex martay Cidamada Sudan iyo maleyshiyo Itoobiyaan ah.

Goobjoog News