U bood dhigaalka

Khilaafkii Dhanka Maamulka Ee Degmada Baardheere Oo Laga Heshiiyay

Sheeko:Dalka

Odayaasha dhaqanka gobalka Gedo, gaar ahaan kuwa ku sugan degmada Baardheere ayaa ku guuleystay inay xaliyaan khilaaf dhanka maamulka ah, kaasi oo ka taagnaa degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

Waxaa la xalliyay is qabqabsi dhanka maamulka degmadaasi ah, kaasi oo taagnaa maalmihii ugu dambeeyay ka dib markii degmada Baardheere lagala wareegay Al-shabaab.

Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in la’isku raacay gudoomiyaha degmadaasi inuu yahay Caddow Nuur Xasan, waxaana dhawaan soo magacaabay shaqsigaan maamulka Jubbaland.

Gudoomiye ku xigeen ayaa laga dhigay Cismaan Sheekh Cabdi Qorax oo dhawaan gudoomiyahii Gedo Maxamed Cabdi Kaliil uu gudoomiye ka dhigay, taasi oo khilaaf xooggan keentay.

Khilaafkaan dhanka maamulka ah ee la xaliyay ayaa ka dhigan in degmada Baardheere ay degdeg uga baxday khilaaf siyaasadeedkii ka jiray gobalka Gedo.

Goobjoog News