Khudabadda Xisaab-xirka Madaxweyne Xasan Sheekh, Akhriso Oo Qiimee

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah oo Xildhibaanno iyo dadweyne kale isniintii kula Hadley magaalada Muqdisho ayaa hor-dhigey xisaab-xirka 4tii sano ee la soo dhaafey iyo waxa uu doonayo in uu qabto haddii mar kale doorto.

Xasan Sheekh oo dadka u qeybiyay qoraal uu ku sheegayo “lixda tiir”, waxaa uu ugu horeyntii ku doodey in uu wax badan ka qabety lixdii tiir ee gubdhigga u aheyd barnaamijkiisii 2012-kii, isagoo soo qaatey:

  1. Soo celinta Ammniga.
  2. Dib u dhiska dhaqaalaha.
  3. Soo nooleynta Adeegga Bulshada.
  4. Adkeynta xariirka caalamiga ah iyo xoojinta midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhamaan.

Xasan Sheekh waxaa uu ka hadley dhismaha maamul goboleedyada iyo intii laga soo maray, isagoo sheegey in ay dalka ku soo kordhiyeen sii xoojinta awoodda maamul iyo nabadgelyo.

Dhismaha maamul goboleedyadaa ayuu sheegey in lagu saleeyay:

  1. Ilaalinta midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
  2. Hogaaminta dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay hurmuud ka ahaayeen golaha wasiirada xubnaha golasha shacabka siyaasiyiinta degaanada iyo odoyaasha dhaqanka.
  3. Lahaanshaha bulsho ee dhismaha maamulada iyadoo saldhig looga dhigay dib uhishiisiin ay ka qeybqaateen dhamaan dadka wadadega degaamadaas ay ka dhismayeen maamuladaas.
  4. Dhismaha hey’ado baarlamaan iyo madaxweynayaal ay doorteen ergo laga soo xulay  dhamaan  dadka Soomaalida ee degan maamulada.

Xasan Sheekh oo arrinkaas faah-faahinaya waxaa uu yiri:

“Maamuladaas oo noo dhisan  oo udub dhaxaad u ah  dowladnimadeena  waxaa tusaalo mudan in madaxwynayaashii,  madaxweynihii maamulka koonfur galbeed ee 6da  oo lixda gobol ku dhisnaa inuu yahay wasiir ka tirsan maamul goboleedka maamulka Konfur Galbeed,  maanta maamulkaas oo ka kooban saddex gobol,  sidoo kale madaxweyne ku xigeenkii  maamulka lixda gobol oo maanta ah madaxweyne ku xigeenka maamulka jubbland oo ka dhisan isaguna  saddex gobol oo ka tirsan lixdii gobo lee barigaas oo dadka qaar ay ku haminaayeen  ama ay abaabuleen taasi waxay daliil cad utahy isku tanasulka ,  walaaltinimada isu soo dhaweynta iyo is qadarinta dadka dhextaalo oo qofkastoo walaal ah iyo si kastoo lookala ra’yi duwanyahay  marka danbe uu ku qancaayo  waxa ay danta ku jirto”

“Dhismaha  dowlad goboleedyada waxay sii xoojisay  xoreynta dalka  adkeynta nabadgelyada gaarsiinta adeegga bulshada dib uqabanqaabinta hogaanka dalka suurta gal manoqdeen inay dalkeena ay ka dhacaan doorashooyin labo aqal ah haddii ayna jirin maamuladaas sugidda nabadgelyada sebtember, 2012kii deegaano badan oo dalkeena ka mid aha waxay gacanta ugu jireen Alshabaab waxaynu sanadkii ugu horreeyey ku guuleysno in laga xoreeyo deegaanadaas badankood goobihii Alshabaab laga xoreeyey oo aan booqday waxaa ka mid ahaa Kismaayo, Baraawe, Marka ,Xudur, Diinsoor, Gabarhaarey, Ceelbuur,  iyo kuwo kale oo faro badan”

Madaxweyne Xasan Sheekh dhanka Ammaanka iyo dib u dhiska ciidanka waxaa uu  sheegey in uu wax badan ka qabtey qeybaha soo socda:

  1. Dib u habeynta ciidamada oo loo sameeyay nidaamkii darajooyinka  iyo kala sareynta.
  2. Kordhinta Garaamka la siiyo Askariga oo halkii 2012kii ahaa 1doolar uu maanta marayaao 2doolar maalin kasta .
  3. Habeynta nidaamka mushaar bixinta ciidamada  oo halkii sanadkii $100  2012 ka ahayd  darajo kasta oo ciidamada ka tirsan  maanta waxay ku salaysantahay darajada iyo taqasuska  hadba sidii ay la egatay ayaa mushaarka askariga uu la egyahay  ama sargaalka .
  4. Tayeynta tobabarka ciidanka iyo qalabeynta .
  5. Dhismaha xeryaha ciidanka .
  6. Dhismaha ciidamo leh tobabaro tayeysan sida ciidanka danab
  7. Isku dhafka ciidanka kala joogo gobolada dalkeena oo bilowday si xowliyana ku socdo.

Dib udhiska dhaqaalaha

Xasan Sheekh waxaa uu qiray in uu hooseeyo dhaqaalaha dalka iyo in dadka Soomaaliyeed ay ku noolyihiin qadka saboolnimada, sidaa ay tahay waxaa uu sheegey in uu qabtey qeybaha soo socda:

  1. Dajinta sharrciyada la xariira horumarinta dhaqaalaha iyo maamulka maaliyadeed dalka .
  2. Ku dhaqanka miisaaniyad qoondeysan oo baarlamaanka  ansixiyay  dajinteeda iyo xisaab xirkeeda intaba .
  3. Dhismaha hey’adaha maaliyadeed ee dowladda sida  hey’adaha daqli aruurinta  bankiga dhexe,  xisaabiyaha guud  , hanti dhowraha guud iyo kuwo kale oo badan.
  4. Xoojinta hey’adaha xariirka dhaqaalaha aduunka sida bankiga aduunka ,bankiga horumarina Africa , bankiga horumarinta Islaamka ,  santuuqa lacagta aduunka  iyo kuwo kale oo badan.
  5. Dhaqan galinta halbeegyada caalamiga ee lagu qiyaasho koboca dhaqaale  si Soomaaliya ay ula jaan qaado  nidaamka dhaqaale ee dunida  oo aan ka ahrnay dhamaadka  qarnigii tagay.

Xasan Sheekh waxaa uu ku faaney in maanta ay ka mid tahy  Soomaaliya dowladaha aduunka  si dalka kasta maaliyadiisa  ay u kormeeraan hey’adaha caalamiga ah iyadoo  warbixinadii ugu dambeeyay ee sanad walba la soo saaro  ay yihiin kuwo maanta meel kasta laga helikaro .

Waxyaabaha kale ee Xasan Sheekh sheegey in uu wax ka qabtey waxaa ka mid ah:

  1. Xoojinta xariirka ganacsiga ee dalalaka aan deriska nahay,   dhiiro galinta wax soo saarka dhoofinta xoolah,  joojinta dhoofinta dhuxusha,   dhiiro galinta maalgashiga caalamiga ah  iyo wixii lamida.
  2. Sahminta macdanta iyo shidaalka dalka iyo diyaarinta  heshiisyo  qodista shidaalka  ee heer gabo gabo maraya  maanta .
  3. Dajainta qorshaha horumarinta qaranaka kaas oo ah 2017ka  ilaa 2020  waana markii ugu horreysay oo qorshe ceynkaan oo kale ah oo loo dajiyo wadankeena muddo ka badan 30 sano.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu ku dheeraadey in uu wax ka qabtey arrimo badan oo al xiriira xiriirka caalamiga ah sida:

  1. Soo celinta aqoonsiga dowlanimada Soomaaliya .
  2. Ka guddoominta waraaaqaha safiirnimada badan oo dunida ah  loona soo magacaabay Soomaaliya , kuwaasi oo dalka ka furtay  safaarado iyo qunsuliyaal ayna ka mid yihiin shanta dal ee joogtada golaha amaanka qaramad midoobay.
  3. Dib u firinta safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dunida , waxaan maanta noofuran  40 safaaradood  in ku dhow  oo inuu matala 100 dal.
  4. Dib u soo celintii kaalintii ay Soomaaliya ay ku laheed hay,adaha caalamiga ah  oo ay xubinta ka tahy sida qaramada midoobay,  Midowga Africa,  Ururka Jaamacadda carabta, Ururka iskaashiga Islaamlka, Ururka IGad Soomaliya waxay cod lagu xisaabtamo ku leedahay ururadaas.
  5. Dajinta Siyaasadda Arrimaha dibadda oo ku dhisan iskaashi deris wanaag is xaqdhorw dalalka oo dhan.

Ugu Dambeyntii Xasan Sheekh waxaa uu ballan-qaadey haddii mar kale la doorto in uu wax ka qaban doono qeybaha soo socda:

  • Dhisidda laamaha Amaanka ku waas oo awood u yeelan doono iney kala wareegaan ammiga dalka ciidama Amizom.
  • Dhisidda xukuumado tayo leh kuwaas oo la dagaalami doono musuqmaasuqa iyo in aan qof lagu gacan siin laaluush.
  • Hirgalinta Nidaam siyaasadeed oo dimuquraadi ah oo faro badan .
  • Dhamestirka qabayada mashruuca siyaasadda amniga dhaqaalaha siloo gaaro gulo badan .

Hadaba, Akhristow, qiimee khudbadda Xasan Sheekh, kadibna wixii aad ka dhihi laheyd la wadaag Goobjoog News.

W/Q: Jaamac Cali Shidane

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW