U bood dhigaalka

Khudbadaha Madaxda Ka Qeyb Gashay Shirka Istanbul iyo Hadalladii ay Wakiilada Ka Yiraaheen

Sheeko:Dalka

Waxaa socda Khudbadaha maalintii labaad ee shirka Hiigsiga Istanbul, waxaa goobta ka hadlay wasiiro badan oo ay ku jiraan wasiirka qorsheynta qaranka Cabdiraxman Ceynte iyo wasiirka maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti”.

Wasiirka qorsheynta ee dowladda federaalka Cabdiraxman Ceynte oo ugu horeyntii shirka ka hadlay ayaa ka hadlay qorshaha Global Goals ee qaramada Midoobey iyo qoyshayaasha dowladda Soomaaliya 3 sano ee soo socota oo hadda diyaarintiisa socoto.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti” oo shirka ka hadlay ayaa sheehay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay sidii loo hagaajin lahaa habka hufnaanta Maaliyadeed ee dalka.

Wasiirka Maaliyadda waxaa uu aad u dhaliilay waddooyin kale ee la mariyo deeqaha kale la siiyo Soomaaliya  isagoo intaa raaciyay 8% oo Keliya deeqaha laha bixiyay lasoo mariyay dowladda, waxaana ku beesha caalamka u sheegay in dowladiisa ay sanadkan bilaabeyso qorshe lagu tacaamulo deeqaha.

Wakiilka Uk ee shirka ayaa ugu baaqay dowladda in ay wax ka qabato Musuqa hareeyay hey’adaha kala duwan.

Bankiga Hor-umarinta Afrika ayaa ku dhawaaqay in uu Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan ilaa $50M, lacagtaas oo loo adeegsan doono dhinacyada kal duwan ee horumarinta dalka.

Bankiga Horumarinta Afrika waxaa uu balan qaaday in uu Soomaaliya kala shaqeynayo sidii loo siin lahaa tababar ku aadan maareynta dhaqaalaha.

Wakiilka Switzerland ayaa shirka ka sheegay in cashirada New Deal-ka ee laga bartay Soomaaliya loo qabto shir lagu saleynayo international level on Busan New Deal Framework.

Wakiilka Talyaaniga ayaa amaanay horumarka ay Soomaalida ka gaarya maareynta hantida qaranka, arrintaas oo ka duwan sida ay UK aaminsan tahay.

Wakiilka Talyaaniga waxaa kaloo soo jeediyay in la hormariyo hey’adaha dowladnimo ee Soomaliya isagoo taasi ku xiray horumarinta dalka.

Talyaaniga waxaa shirka Istanbul ka sheegeen in ay taageerayaan New Deal-ka Soomaliya iyagoo intaa raaciyay in ay diyaar u yihiin in ay dowladda Soomaaliya kala hadlaan waxa xiga New Deal-ka 2016-ka.

Wakiilka dowladda Turkiga oo insa shirka ka hadlay ayaa sheegay in isbadal lagu sameeyo nolosha dadka ay u baahan tahay qorshe horumarineed oo aad u xoogan.

Sanduuqa USAID for Somalia waxaa shirka ka sheegeen in Soomaaliya ay ku maalgeliyeen in ka badan $100 Milyan  5-tii sano ee lasoo dhaafay.

Safiirka Finland ee Soomalaiya ayaa ku baaqay in Soomaaliya laga hirgeliyo siyaasad cad oo dadka midnimo, isagoo si cad afka ugu dhuftay in loo baahan yahay in dadka laga tirada badan yahay laga qeybgeliyo geedu u socodka siyaasadda dalka.

Dowladda Finland waxaa ay aad u amaantay New Deal-ka, waxaa ay sidoo kale sheegtay in barnaamijkaas uu Soomaaliya baray waxa loo yaqaano isla xisaabtanka.

Wakiilka Dowladda Sacuudiga waxaa uu shirka ka sheegay in xasiloonida gobolka ay ku xiran tahay midda Soomaaliya.

Wakiilka ururka Islaamka ayaa cambaareeyay dhibaatooyinka lagu geysto magaca Islaamka ee ka dhaca Soomaaliya.

Ururka Islaamka waxaa beesha caalamka ugu baaqay in ay dhowraan ballamaha ay ku qaadeen horumarinta Soomaaliya iyo dhismaha dowladnimada iyo federaalka.

Wakiilka Jaamacadda Carabta waxaa uu shirka Istanbul ka sheegay in joogitaanka diblomaasiyiinta Carbeed ee Muqdisho ay daliil cad u tahay sida Carabta uga go’atahay dib u dhiska Soomaaliya.

Goobjoog News,