Khudbadaha Murashaxiinta Golaha Shacabka Oo Goordhaw Bilaabanaya

Sida ay sheegayaan guddiga doorashada golaha shacabka waxaa goordhaw bilaabaneysa khudbadaha murashaxiinta golaha shacabka, iyaddoo la dhageysan doono murashaxiinta guddoomiyaha golaha shacabka iyo haddii waqti loo helo murashaxiinta guddoomiye ku-xigeenka 1aad.

Ilaa 10 murashax ayaa maanta goluhu dhageysan doonaa barnaamijkooda iyo hoggaanka ay u horseedi doonaan haddii ay guuleystaan.

Ajendaha Hadaljedinta Murashaxiinta Guddoomiyaha Iyo Guddoomiye Ku-Xegeenka  1-aad Ee Golaha Shacabka.

Murashaxiinta guddoonka waxaa la siiyay waqti isku mid ah, waxaana la filayaa in uu mid walba taariikhda iyo qorshihiisa siyaasadeed uu ka gado golaha shacabka federaalka ah ee Soomaaliya.

Goobjoog News ayaa heshay Jadwalka iyo Ajendaha Kullanka:

9:20-:9:25: Akhrinta Aayadaha Quraan-ka Kareemka Ah

9:25-9:30: Ansixinta Ajendaha Kullanka

9:30-9:35: Sharaxaadda Qaabka Khudbad Jeedinta( Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle)

Hadaljeedinta Murashaxiinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka

9:35-9:50: Waxaa Khudbadda Jeedin doona murashaxa 1aad:  Cabdifitaax Maxamed Ibrahim

9:50-10:05: Waxaan khudbeyn doona Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig

10:05:10:20:  Waxaa khudbeyn doona Xildhibaan Idirs Cabdi Takar

10:20-10:35: Waxaa khudbeyn doona Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari

Hadaljeedinta Murashaxiinta Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad

10:35-10:50:  Waxaa khudbeyn doona: Xildhibaan Cabdiweli sheikh Ibrahim Muudey

10:50-11:05: Waxaa khudbeyn doona Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqadir

11:05-11:20: Waxaa khudbeyn doona Xildhibaan Jeylaani Nur Ikar

11:20-:11:35:  Waxaa khudbeyn doonta Xildhibaan Khadija Maxamed Diiriye

11:35-11:50: Waxaa khudbeyn doona Xildhibaan  Khalid Macow Cabdiqadir

11:50-12:05:  Waxaa khudbeyn doona Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid

Wararka Doorashada iyo Taariikh Nololeedka Murashaxiinta u Tartamaya Guddoonka baarlamaanka federaalka ah, Kala Soco, Goobjoog News.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW