U bood dhigaalka

Qodobada Khudbaddii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Furitaanka Shirka Istanbul

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka hadlay shirka Hiigsiga ee Istanbul isagoo soo qaatay arrimo badan oo ay ku jiraan ilaa 5 caqabad uu sheegay in ay hor taagan yihiin dowladdiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu ugu horeyn ka hadlay Saxiibtinimada Soomaaliya iyo Turkiga iyo sida ay dadka Soomaaliyeed uga faa’ideysteen.

Xasan Sheekh waxaa uu amaanay beesha caalamka iyo saxiibada Soomaaliya isagoo sheegay in uu shirka ku arko wejiyo uu horay ugu arkay shirkii ugu horeeyay ee Soomaalida loogu qabtay 3 sano ka hor Brussels ee New Deal-ka.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu dadka xasuusiyay sida ay Soomaaliya aheyd 3 sano ka hor  xiligii la bilaabayey New Deal-ka.

“Markii aan ku kullanay Brussels 3 sano ka hor, waxaan is tusnay in xaaladda Soomaaliya oo dagaalo ku jiray 23 sano ay xaaladdiisa tahay mid halis ah”

“Waxaan 3 sano ka hor is tusnay in mar haddii Soomaaliya aanay ka jirin nidaam dowladnimo aan budjet toos ah la siin dowladda”

“Waxaa is tusnay 3 sano ka hor,  in Al-shabaab ay khatar ku tahay nabadda iyo xasiloonida sidaa darteedna AMISOM ay amaanka wax ka qabato”

“Waxaan is tusnay 3 sano ka hor in beesha caalamka naga taageerto naga caawiso kaabayaasha caafimaadka iyo waxbarashada, dowladda Soomaaliyana ay dib u bilowdo sidii ay mas’uuliyad arrintaas isaga saari laheyd”

“Waxaan is tusnay 3 sano ka hor in qof kasta oo Soomaali ah uu xaq u leeyahay inuu ka faa’ideysto sharciga iyo in cadaaladda ay gaarto dhamaan dadka”.

“Waxaan is tusnay 3 sano ka hor in loo baahan yahay in dhalinyarada shaqo loo abuuro si ay u quudiyaan qoyskooda dhibaateysan”

Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamud ayaa dhinaca kale is weydiiyay su’aasha ah: Maxaa la qabtay?

Madaxweynaha Xasan Sheekh waxaa uu madasha ka jor sheegay waxyaabaha u qabsoomay 3-dii sano ee ka dambeysa New Deal-ka.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in dowladiisa 3 sano gudahood ay dhul badan ka qansadeen Al-shabaab.

“In meel fiican uu marayo howlaha dib u eegista dastuurka KMG ah ee dalka”

“In lagu heshiiyay nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa 2016-ka,taas uu ku tilmaamay doorashadii dimoqoraadiga aheyd ee Soomaaliya ka dhacda in ka badan 47 sano”

“Waxaan wadnaa isku dhafka iyo dib u habeynta ciidamada qaran, si loo soo celiyo qaranimadii dalka”

“Waxaan dib u habeyn ku wadnaa sidii ciidamada aan u tirakoobi laheyn isla markaana aan mushaar u siin laheyn”

“Waxaa dib u aasaasnay Bankiga dhexe ee Soomaaliya”

“Waxaa dowladda u sameynay qorshe sanadeed, waxaa sameynay Wasaaradi aan horay u shaqeyn muddo 20 sano ah”

“Waxaa meelmarinay sharciga lagu dagaalamayo argigixisada”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud waxaa uu ugu dambeyntii ka hadlay 5 caqabado oo dowladdiisa hortaalla oo la doonayo in wax laga qabto.

Caqabadda 1-aad iyo Nooca Doorasho:  Xasan Sheekh waxaa uu ka hadlay caqabado uu sheegay in ay hor imaan karaan doorashada 2016-ka sida waqti oo ciriir ah, qaabka nooca doorasho oo shaqo badan u baahan, waxa loo yaqaano Roud Map-ka 2016-2020.

Caqabadda 2-aad Arrimaha dib u habeynta Amniga: Madaxweynaha waxaa uu soo qaatay Soomaaliya u baahan yahay in helo qorshayaal cad oo ay ku shaqeyso waxa loo yaqaano  National Security  Policy, lama hirgeliyo siyaasad cad oo ay ku heshiiyeen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Caqabadda 3-aad:  Nidaamka Dalka: Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in dowladdiisa ay hirgelisay nidaam Maaliyadeed oo hufan, lakin aan lagu shaqeyn, waxaa uu qabaa in ay haboon tahay in la gaaray waqtigii lagu shaqeyn lahaa si dowladda au u kasbato kalsoonida beesha caalamka.

Caqabadda 4-aad Shaqo abuurista dhalinyarada: Madaxweynaha waxaa uu leeyahay waxaa loo baahan yahay sidii xirfado loogu sameyn lahaa bulshada gaar ahaa waxbarashada dhalinyarada iyo kor u qaadista xirafadii ay ku heli lahaayeen shaqooyin.

Caqabadda 5-aad sidii Soomaaliya ay xiriir soke ula yeelan laheyd beesha caalamka: ugu dambeyntii waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh soo jeediyay in beesha caalamka ay Soomaaliya ka taageerto dhismaha dowladnimo, dhismaha qaabka dowladnimo iyo sidii beesha caalamka ay u tuxgelin laheyd rabitaanka Soomaalida.

Goobjoog News