U bood dhigaalka

Khudbaddii Madaxweyne Xasan Sheekh Ee Jarmalka Iyo Qodobadii Ugu Muhiimsanaa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shir looga hadlayey amniga oo dalka Jarmalka ka dhacay ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo badan.

Waxa uu kaga hadlay khudbaddiisa xaaladda dalka uu ku sugan yahay, hammiga dowladda Soomaaliya ee ah in la helo ciidamo amniga dalka la wareega iyo khudbadda oo qeybo badan oo ka mid ah uu uga hadlay xarakada Al-shabaab, maadaama shirka looga hadlayey ammmaanka.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ay ku biireen Al-shabaab, ulajeedka ay ugu biireenna ay tahay in la siiyo 50 illaa iyo 100 doolar.

Ugu horeyn waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed 70% ay da’dooda ka yar tahay 35 sano taasina dedejisay in dhallinyaro badan ay qaateen Fikir Al-shabaab, maadaama dalka uu wax badan burbursanaa.

“Bal qiyaas dad dhalashadoodu 70% ay ka yar tahay da’da 30 jirka kuwaas oo kusoo barbaaray dowlad la’aan ama inta lagu guda jiray burburkii dalkooda, waxay ku noolyihiin xaafado ka fog magaalooyinka, mana helin wax bedel ah oo ay ku noolaadaan, sidaa darteed waxay taasi keentay inay noqdaan kuwo u dayacan inay ku biiraan ciidamada sharta kuwaas oo iminkaba la arkayo dhibaatooyinka ay geysanayaan, sida xagjirnimada iyo fowdada kale ee dalka ka socota, dhallinyaro badan ayaa AL-shabaab waxay ugu biireen inay lacago ka helaan oo aanay fikirkooda ugu biirin sababtuna waxay tahay inay bisha markii ay dhamaato ka qaataan 10 illaa iyo 50 doolar, dhallinyaro kale ayaa aada badaha waaweyn ee badda Indian Ocean iyo waliba badda cas kuwaas oo doonaya inay helaan nolol la mid ah midda aan hadda sheegaynay mana haystaan bedel kale, dhallinyaro badan ayaa ka tagay waddanka ku yaalla geeska Afrika waxay tagaan Lambadusa iyo xeebaha dalka Gariiga kuwaasina waa da’da aan kor kusoo xusay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Fikirka Al-shabaab iyo in la taageero

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday fikirka la xiriira Al-shabaab in la taageero in waddanka ay u keentay dayacnaantii faraha badnaa ee dalka uu soo maray, waxaana madaxweynaha uu is weydiiyay sababta Xarakada Al-shabaab ay Soomaali u yihiin.

“Shabaab sababta ay Soomaali u yihiin waa in marka hore fikirkoodu uu yahay mid fikir ahaan ay iyagu mideysan yihiin, waxay kaloo heleen deegaan ay ka qoran karaan cidda ay doonaan oo ay ku tababaran karaan, dhaq dhaqaaqooduna uu xor u yahay, kaliya Soomaaliya ma ahan, meelo kale oo qaaradda ka mid ahna sidoo kale ayey ugu tababartaan oo xor ayey u yihiin, waa taa sababta ka dhigtay in waddankeena ay si gooni ah u degaan” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Arrimaha Federaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale khudbadiisa kusoo qaaday arrimaha ku saabsan dhanka Federaalka oo uu sheegay in dhulka kasta oo maanta Soomaaliya ka mid ah uu leeyahay cid su’aal laga weydiiyo inkastoo madaxweynaha uu farta ku goday in daciifnimo badan ay jirto.

“Dowladda Soomaaliya waxay ku dhaqaaqday in ay fuliso nidaamka Federaalka ah kaas oo weli daciif ah, balse ma jirto hal meel ah oo aan la’hayn mas’uul wax laga weydiiyo, waxaan dhihi karnaa hannaanka dowladaha aan dhisnay ee dalka in weli ay la’yihiin awood, mid dhaqaale laakiinse maanta ugu yaraan waxaan haysanaa cid aan wax ka weydiinno xaaladda dalka oo aan dhahno arrintaasi sidee ayey u dhacday”

Doorka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday doorka ciidamada Midowga Afrika ee ay Soomaaliya ku leeyihiin, waxaana uu sheegay in ciidamadaasi ay awood badan ay geliyeen sidii looga guuleysan lahaa Al-shabaab, islamarkaana ammaanka loo sugi lahaa.

“Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxa uu noqday qorshe lagu tijaabiyay Soomaaliya oo ah mid guuleystay  kaas oo ah in dhibaatooyinka qaaradda Afrika u yaalla dadka maxalliga ah ama Afrikaanka ay xallin karaan, waxaana middaasi ay keentay in dowladdu ay hirgelisay dhaq dhaqaaqyo badan oo dhanka dib u heshiisiinta iyo in maamullo la dhiso”

Ciidamada Soomaaliya iyo hanashada Amniga

Khudbadda Madaxweynaha oo aad u dheereed ayaa dhinaca kale ku soo hadal qaaday sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay in la helo ciidamo Soomaaliyeed oo ammaanka suga, wuxuuna madaxweynaha sheegay inay aad ugu mashquuleen in ciidamo waddanku uu leeyahay la sameeyo.

“Soomaaliya waxay ka shaqeysay Seddexdii Sano ee la soo dhaafay sidii loo dhisi lahaa ciidamo dhanka ammaanka ah, kuwaas oo waddanka amnigiisa la wareega, qaadana mas’uuliyadda dhanka ammaanka, hadda waxaan la howlgalnaa ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan, waxaan ka shaqeyneynaa sidii ay ciidanka dalka ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka”

Xiriirka Al-shabaab iyo Ururada kale

Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku xusay sida Xarakada Al-shabaab iyo ururo uu ugu yeeray kuwo argagaxiso ay weli xiriir u leeyihiin oo ay u shaqeynayaan, taas oo madaxweynaha uu leeyahay inay muhiim tahay in cashir laga barto oo sida ay u midoobeen loogu midoobo.

“Argagaxisadu aad bay isugu xiran tahay, aadbay isaga war hayaan, aadbay u abaabulan yihiin, waa muhiim in la isweydiiyo, waa maxay doorka wadamada ay argagaxisadu ay wajahayso, in intee la eg ayey caalamku u dhageystaan codka maxalliga ah iyo fikirkooda, taas ayaa keeni karta inay hoos u dhigto sanadaha soo socda qatarta argagaxiso, waxayna taasi ahayd qibrad la helay oo la tijaabiyay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa Khudbadda Madaxweynaha Tarjumay Axmed Weli Xuseen (Tifaftiraha Goobjoog Fm)

W/Q: Maxamed Abukar Kulmiye