U bood dhigaalka

Khudbadihii ay Jeediyeen Musharixiinta Madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Shariif Xassan Sheekh AadanWaxaa soo xirmey khudbadihii ay jeediyeen musharixiita madaxweynenimo ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed, iyada oo barito lagu wado in loo codeeyo musharixiinta.

Waxaa xilka isu soo taagay shan musharax oo kala ah

  1. Shariif Sheekh Aadan
  2. Siyaad Sheekh Daahir
  3. Maxamed Xassan Cadoow
  4. Maxamed Xassan Faqi
  5. Aabo Awoow Suufi Xaaji Cafaan

Musharixiinta ayaa dhamaantood sameeyey balanqaado waaweyn haddii loo doorto xilka, waxaanan si kooban usoo qaadanaynaa mid kasta iyo waxyaabihii uu dhahay

Shariif Xassan Sheekh Aadan

Isaga hadal dheer ma uusan jeedinin, wuxuu amaanay dhabar adeega iyo dadaalka ergada ay ku bixiyeen shirka, wuxuu ka codsaday in ay u codkooda siiyaan, wuxuuna intaasi ku daray in haddii la doorto uu ku dadaali doono caddaaladda.

DHAGAYSO

Siyaad Sheekh Daahir

Wuxuu sheegey in kaalinta koowaad uu galin doono nabadgalyada, isagoo yiri “Waad ogtihiin xitaa shimbiraha nabad galyo la;aan ma noolaan karaan, iyo xayawaanka kale, iskaba dhaaf bini’aadane

DHAGAYSO

Abukaate Maxamed Xassan Cadoow

Wuxuu sheegey in uu yahay hogaamiye da’ yar oo isbadal doon ah, haddii la doortane ay dowladiisa lahaan doonto sedex tiir, tiirka ugu horeeyana uu noqon ku dhaqanka diinta Islaamka.

DhAGAYSO

Maxamed Xassab Faqi

Wuxuu sheegey in dadka ay xantaan Koonfur Galbeed, laguna sheego dad aan waxbo qabsan karin, wuxuu yiri ‘Waxaan dooneynaa in aan adduunka iyo Soomaalida kalaba tusno in aan wax qabsan karno” .

DHAGAYSO

Aabo Awoow Suufi Xaaji Cafaan

Wuxuu ahaa musharixii khudbadii ugu dheereyd ka jeediyey meesha, wuxuu sameeyey balanqaadyo badan isaga oo sharaxay dhamaan waxyaabaha uu qaban doono, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxaan wax ka qaban arrimaha koow beeraha, dekadaha , warshadaha, kaluumeysiga, dalxiiska iyo kheyraadka kale ee dhulka dowlad goboleedka koonfur galbeed illaahay ku manaystey, Waxaan abuurayaa suuq ganacsi, illeen shaqadeey waaye ganacsi, suuq ganacsi oo xor ah oo ka kooban dhoofinta wax soo saarka dhulka iyo soo iibinta waxa dibada looga baahanyahay,”

Waxaan joojinayaa xaalufinta dhirta , dhoofinta xoolaha dhadaga ah iyo ganacsi kasta oo aanan waafaqsanayn shareecada islaamka, iyo shuruucda dalka” ayuu yiri musharaxan.

DHAGAYSO

Goobjoog News