U bood dhigaalka

Kiiska Badda oo Agoontoobey, Halyeeyga Eng Saalixi oo Geeriyoodey, Akhriso Taariikhdiisa

Sheeko:Amniga

Eng. Maxamed Cumar Saalixi oo ahaa halyey qaran oo gacanta ku hayey kiiska badda Soomaaliyeed ayaa goordhow geeryooday, Saalixi oo muddo ku xanuunsanaa Turkiga ayaa saaka la keenay caasimadda Muqdisho, kadib codsigiisa,  waxaa uuna ku geeriyooday gudaha Airportiga.

Eng. Maxamed Cumar Saalixi waxaa ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo1952-dii, aabihii waxaa uu ka tirsanaa SYL, waxaa uuna qansnaji kahaa dowladda hoose.

Eng Saalixi 1958 ilaa 1964, waxaa uu Luuq ka dhigtay dugsi hoose, 65-68-dii dhexe magaalada Baydhabo halka sare uu ka dhameeyey dusgi sare Banaadir isaga oo ka mid ahaa 5-ta ugu sareysa, taasi oo dhaxalsiisay inuu deeq waxbarasho u aado dalka Poland.

 University of Warsaw ayuu ka bartay cilmiga Injineeriyadda ka qaatay Master-ka, markii uu dalka kusoo noqday 1979-kii waxaa uu fuliyey mashruucii Bay, isaga 1979 illaa 1987 ka shaqeeyey hoggaanka sahanka iyo maababka ee wasaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya, markii dambe 1983 ilaa 1987, wax aa uu dhisey mashaariic dhismayaal iyo Beero ay ka mid yahiin Matxafka Qaranka, Beerahii wasaarada Gaashandhiga iyo Sameynta Kanaalo ballaaran oo si casri ah uu u sameeyey, halka 1987  ay dowladda  u magacawdey agaasinka waraabka ee Mashruucii Beeraha ee Farxaane ee Gobolka Sh/hoose. 1988 ilaa 1990-kii waxaa uu  ku mid ahaa guddi dowladaha Soomaaliya iyo Ethopia ay u xilsaareen kala qaadida ciidamadii Soomaaliya iyo Ethiopia ee xadka labada dal.

Dagaalladii sokeeye, 1992 ilaa 1994 ,waxaa uu ka shaqeeyey xafiiskii UNISOM  qeybta Binii’aadinimada ee Gobolka Gedo, Baardheere, waxaa kale uu la shaqeeyey Care iyo heyádo kale.

1998 ilaa 2000, waxaa uu waxbarasho u aaday waddanka Tanzania gaar ahaan Daru Salaam oo u ku bartay cilmiga sida xogta looga soo saaro sawirrada Dayax-gacmeedka u qaado iyo lafa guridda xogta (Remote Sensing iyo GIS).

2000 ilaa 2002-dii waxaa uu noqdey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Beeraha DKMG ee Cabdi Qaasim uu madaxweynaha ka ahaa, inta ka dambeeyey waxaa uu la shaqeeyey heyádo dibadda ah oo ay ku jiraan kuwoo Imaaraad ah, isaga oo dalkaas ka qaatay PhD.

2009 Ilaa Maanta uu geeriyooday waxaa uu ahaa ninka keliya ee Soomaaliga ah ee gacanta ku hayey, soona aruuriyey Dokomentiyada, khariidadaha, xeerarka iyo  doodaha kala duwan ee kiiska badda.

2015 Ilaa Ilaa 2018 Eng Saalxi, waxaa uu ahaa ninkii  ahaa cabiray dhulkii Buulaxo Xaawo Ilaa Mandheere, isaga oo taako-taako u yaqaaney goobaha ay Kenya ku murmeyso.

2014 ilaa 2021, waxaa uu madaxweyne Xasan Sheekh u ahaa la taliyaha dhanka badda iyo xuduudaha Soomaaliya, jagadaas oo uu sidoo kale ka hayey maamulka hadda jira ee madaxweynaha muddada ka dhamaatay ee Farmaajo.

Eng. Saalixi  Hadda waxaa uu hadda ahaa la taliye sare oo ka tirsanaa DFS, waxaa uuna ku hadli jiray luqadaha Englishka,Talyaaniga, Polishka, Carabiga iyo Ruushka.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye,