Kiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur :  Falanqayn Dhanka Sharciga

  1. Sida Wax u Dhaceen

Taariikhdu markii ay ahayd 17ka Disember ayaa ciidanka nabad sugidda  Soomaaliya weerar ku qaadeen guri uu magaalada Muqdishu ka dagganyahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii Soomaaliya. Weerarkaas waxaa lagu dilay ciidankii ilaalinayey guriga Cabdiraxmaan, asagana waxaa loo taxaabay xabsiga asaga oo dhaawac ah.

Subaxnimadii 18kii Disember ayaa waxaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya iyo Wasiirka Amniga  shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegeen in ciidanka aminiga oo ku socda amar ka soo baxay hay’adaha sharciga fuliyeen weerarkaas. Sida laga hor caddeeyey Maxkamadda Gobolka Banaadir weerarka looma haysan ogollaasho garsoore maxkamadeed. Xeer Illaliyaha ayaa goobtaas ka sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu eedaynayo Qaran Dumis iyo Qayaano Qaran.  Dadaallo ay sameeyeen siyaasiyiin iyo masuulyiin kale oo isku dayey in ay arrinka wadahadal ku xalliyaan ayaa waxay ku soo biyo shubteen in habeenkii 19ka Disember xabsiga laga sii daayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Wasiirka Amniga ayaa raali gelin ka bixiyey weerarkaas sheegayna in uu ahaa fal qalad ah.  Xeer Ilaaliyaga ayaa soo bandhigay warqad uu sheegay in ay muujinayso in Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu sii daayey damiin uu asagu saxiixay. In ay sharciga waafaqsan tahay warqadda Xeer Ilaaliyuhu saxiisay qaybaha dambe ee qoraalka ayaan ku faahfaahin doonnaa.

Taariikhdu markii ay aheed 20ka Disember, waxaa Maxkamadda Gobolka Banaadir la horgeeyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Xeer Ilaaliyaha waxa uu caddeeyey in uuna haysan oggolaasho maxkamadeed in la weeraro guriga Cabdiraxmaan Cabdishakur uuna u baahan yahay waqti dheeraad ah oo uu baaritaan ku sameeyo. Maxkamadda Gobolka banaadir ayaa maadaama aan Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu soo xirin ogollaasho maxkamadeed ayna waqti siin karin xeer ilaalinta, waxayna maxkamaddu xorriyadiisii dib ugu soo celisay Cabdiraxmaan Cabdishakur. Maxkamaddu waxa kale oo ay cuskatay Qod.13 (3) aad ee Xeerka Habraaca Ciqaabta Soomaaliyeed(XHCS) oo qoraya in haddii eedaysanaha maxkamadda u dambaysa dambi ku xukunto ama sii dayso ama amar sharci ah lagu joojiyo sii wedidda dacwada aan muwaadinkaas mar kale lagu soo eedayn karin isla xaqiiqooyinkii hore oo aan loo soo jeedin karin isla eedayntii oo kale. Qodobkaan ma khuseeyo qaadashada rafcaan ee waxa uu khuseeyaa in laga hortago in aan muwaadinka eedayn laga daba joogin markii maxkamadi dacwadiisa qaaddo ka bacdi. Mabda’aan oo loo yaqaan “double jeopardy”afka Ingiriiska, sidoo kale afka Laatiinkana lagu yiraahdo “non bis in idem” waxaa laga isticmaalaa adduunka meelo madan. Ujeeddada laga leeyahayna waxay tahay in aan dowladuhu maaddaama ay awood leeyihiin dhaqaalana haystaan ayna mucaaradkooda dacwo la bada joogin oo markii dambi lagu waayaba markale dacwad isla tii ah ku furin. Waxaa kale oo loola jeedaa in marka qofku maro dacwo ku saabsan xaqiiqooyin oo maxkamadihii soo gaba gaboobaan aan mar kale lagu soo dacweyn isla xaqiiqooyinkii oo uun ku jirin dacwo joogto ah.

Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa caddeeyey in uuna ku qanac sanayn go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir oo uu rafcaan ka qaadanayo go’aankaas. Warqad ka soo baxday Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Xafiiska Xeer Iaaliyaha loo oggolaaday in ay rafcaan qaataan, Cabdiraxmaan Cabdishakuurna lagu amray in uu Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir hor yimaado taariikhdu marka ay tahay 3da Janaayo 2018. Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa uu sheegay in uu aaminsan yahay in ayna jirin dacwad sharciga waafaqsan oo loo haysto oo uusan ka qayb galaynin dacwada Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay go’aan ay Xeer Ilaalinta ku siisay waqti ay baaritaan ku sameeyaan, amartayna in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uusan dalka ka bixi karin inta baaritaanku socdo. Qoraalkan gaaban waxaan ku lafaguraynaa falalkaas aan kor ku soo xusay iyo sida ay u waafaqsan yihiin dastuurka dalka iyo qawaaniinta kale ee dalka.

  1. Eedaymaha Xeer Ilaalintu soo Jeedisay

Xeer Ilaaliyaha waxaa eedaymaha uu soo jeediyey kamid ah Qiyaamo Qaran isaga oo cuskanaya qodobbada aan hoos ku xusi doonno. Qodobka 184 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed(XCS) ayaa ka hadlaya “isku dayga ku lidka ah hufnaanta, kala go’is la’aanta, madax bannaanida ama midnimadda qaranka Soomaaliyeed”. Qodobka 185 ee isla xeerkaas waxa uu khuseeyaa muwaadinka  qaata hub ku lid ah qaranka Soomaaliyeed. Qodobka 189aad waxa uu ka hadlayaa muwaadinka fal musuqmaasuq ah la gala shisheeye eyada oo “ula jeedaduna tahay samaynta falal ku lid leh danta qaranka.” Qoodbka 215aad XCS waxa uu ka hadlayaa dacaayad ka soo horjeedda oo lid ku ah waddanka. Qodobka 218 waxa uu ka hadlayaa qofka isku daya dilka Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha ama Guddoomiyaha Baarlamaanka ama ka horjoogsada madaxdaas iyo maxkamadda sare shaqooyinka dastuuriga ah oo loo xilsaaray. Qodobka 219 ee XCS wuxuu qeexayaa khalkhal gelinta Qaranka iyo Umadda.

Eedaymahaas Xeer Ilaalintu soo jeedisay waxay khuseeyaan falalka lidka ku ah qaranka ee ma khuseeyaan mucaaradnimada dowladda. Farqi weyn ayaa u dhexeeya in la mucaarado xukuumadda iyo dowladda qaybaheeda kala duwan iyo in aad lid ku  noqoto qaranka. Dowladihii hore oo dalka soo maray oo ku salaysnaa nidaamka dimoqraadiga ah dhammaantood waa la mucaaradi jirey, waxaa laga keeni jirey mooshinno, waxbaana laga sheegi jirey. Welina ma dhicin in ay mucaaradkooda ku eedeeyaan qaran dumis iyo qayaano qaran. Eedaymaha noocaan ah waxaa inta badan isticmaala xukuumadaha keli taliska ah oo raba in ay cabburiyaan mucaaradka ka soo horjeeda. Haaddii aan hadda laga hortagin waxay noqonaysaa dhaqan siyaasadeed, berrina qofkasta ayaa lagu aamusin karaa eedaymahaas oo kale. Madaxda dowladda ayaa loo isticmaali karaa marka xilligoodu dhammaado. Eedaymaha warbaahinta laga sheegay waxay ka hadlayeen lacago laga soo qaaday dalal shisheeye si loogu rido xukuumadda. Xeer Ilaalintu masoo bandhigin wax caddayn ah oo eedaynahaas ku saabsan. Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ka codsatay in ay keenaan caddaymo wax caddayn ah ma horkeenin.

Dalka Soomaaliya illaa dhowr iyo tobankii sano oo la soo dhaafay waxaa caadi ahayd in musharaxiinta madaxweynenimo,iyo siyaasiyiinta raba in ay mooshin ka keenaan xukuumadda markaas jirta ay lacago ka soo qaataan dalal shisheeye ama ganacsato Soomaaliyeed. Sida la wada ogyahay labadii doorasho oo u dambaysay oo ay ku jirto doorashadii lagu doortay madaxweynaha hadda talada haya waxaa qaybaha tartamaya heleen lacago dibadaha ka yimid oo ay ku laaluushayeen xubnaha baarlamaanka. Xeer Ilaaliyaha doorashadii u dambaysay goobjoog ayuu ka ahaa markii lacagahaas la kala qaadanayey wax tallaabo ahna ma qaadin kamana hadlin. Madaxda dowladda dambi ugama dhigi karaan mucaaradkooda ficilladii ay awoodda ku qabsadeen haddii xitaa la caddeeyo in lacago dalal shisheeye laga soo qaatay dowladdooda lagu mucaaradayo.

Waxaa xaqiiqo ah in lacagaha laga keenayo dalalka shisheeye ama laga helayo ganacsatada Soomaaliyeed si loogu musuqmaasuqo siyaasadda oo dalka jagooyinka ugu sarreeyana lagu iibsado in ay khatar ku tahay xasilloonida dalka. Laakiin haddii ay dhab naga tahay oo aan rabno in lala dagaallamo musuqmaasuqa siyaasadda waa in laga soo saaraa sharci khuseeya kharashka ololaha doorashada iyo doorashada, dambina laga dhigo qaadashada iyo bixinta laaluushka. Waxaa kale oo muhiim ah in la xoojiyo Guddiga Qaran ee Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka, qasabna laga dhigo in xisbiyada siyaasadda ama shaqsiyaadka taryamaya ay diiwaan geliyaan kharashka soo gala iyo meesha uu ka soo galay. Tallaabadaas waxa kale oo ay ka hortagaysaa in dadka maalgashada doorashada aan la siin karin jagooyin ama qandaaasyo lagu abaalmarinayo.

  • Weerarka Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ma Loo Maray Qaab Sharciga Waafaqsan?

Qodobka 4aad ee dastuurka waxaa uu caddaynayaa sarraynta Dastuurka waxa uuna leeyahay “Shareecada ka sokow, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayayna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha Dawladda oo dhan.” Taas macnaheedu waxay tahay fal kasta ama go’aan kasta oo ka horyimaada dastuurka waxaa laga soo qaadayaa sharci darro. Marka la rabo in muwaadin dacwo lagu soo oogo, la xiro ama la baaro gurigiisa waxaa muhiim ah in la raaco dastuurka dalka iyo qawaaniinta kale ee dalka u yaalla.  Qodobka 19aad ee Dastuurka KMGka ah waxa uu leeyahay:

1) Qofna gurigiisa ama meeshii kale ee isaga u gaar ah lama geli karo, lama baari karo, lamana basaasi karo amar garsoore oo sababaysan la’aantiis.

2) Waxaa waajib ah in amarka garsooraha si toos ah loogu akhriyo degganaha hoyga, baarahana waxaa ka reeban ku xadgudubka sharciga.

Waxaa muhiim ah in la ogaado qodobkaan dastuurka ma ogolaanayo sabab kale oo guriga muwaadinka lagu geli karo. Dastuurkii 1960kii waxa uu qorayey sababo kale isaga oo weliba xeerinayey in sharci kale maareyn doono.laakiin dasruurkaan fursaddaas ma furayo.Taas macnaheeda waxay tahay in aan hoyga muwaadinka an lagu samayn karin dhammaan arrimaha uu qoodbka 19aad ee dastuurku qorayo eyada oo aan la haysan oggolaasho maxkamadeed. Sida aan soo sheegnay dastuurka waa sharciga ugu sarreeya dalka.

Laakiin Xeerka Habraaca Ciqaabka Soomaaliyeed (XHCS) waxa uu oggolyahay dhowr goor oo kale oo qofka la xiri karo warqad maxkamadeed la’aanteed. Qaanuun ahaan haddii la rabo in xeerkaas loo cuskado gelidda iyo weerarkii guriga Cabdiraxmaan waa in qodobka dastuurka wax laga baddalaa. Si kastaba ha ahaatee, waxaan falanqaynaynaa qaabka XHCS sheegayo in la maro marka qof la xirayo warqad maxkamadeed la’aanteed. Qodobka 35aad ,36aad iyo 38aad waxay ogol yihiin in muwaadinka ka xiri karo warqad maxkamad la’aan marka uu dambi faraha kula jiro iyo marka ay jirto xaalad deg deg  oo aan laga gaarin warqad maxkamadeed la raadiyo iyo marka laga baqayo in uu fakado qofka la rabo in la soo xiro. Maadaama 19kii December lasoo daayey Cabdiraxmaan Cabdishakur waxaa muuqata in aan laga cabsanayn in uu fakado oo ayna jirin xaalad deg deg ka dhigeysay in lagu duulo gurigiisa.

Waxaa la dhihi karaa ma jirin dembi faraha lagula jiray iyo xaalad deg deg ah sababtoo ah Xeer Ilaaliyaha ma keenin wax caddayn ah markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ka dalbatay. Qofka marka lagu soo xiro warqad maxkamadeed, xeer ilaalintu waxay dalban kartaa waqti dheeri ah sababtoo ah waxay maxkamadda ogolaashaha siisay la wadaageen caddaymo iyo shaki macquul ah oo ay qabaan. Laakiin marka qofka lagu soo xiro warqad maxkamadeed la’aanteed waa in si deg deg maxkamad loo horgeeyo. Qodobka 39(1)aad ee XHCS wuxuu leeyahay “ruuxa lagu xiro amar maxkamadeed la’aantiis waa in sida ugu dhaqsiyaha badan , oo aan ka badnayn 48 daacadood, marka laga billaabo xiritaankiisa lagu horgeeyaa maxkamad awood u leh ama maxkamadda ugu dhow”. Farqada labaad ee qodobkaas ayaa sheegaysa in “sarkaalka booliska ah oo qofka xiran horgeeyey garsoorka , waa in uu u gudbiyaa garsooraha (a) xaqiiqda dhacdada iyo sababaynta xarigga, iyo (b) caddaymaha la helay oo faahfaahsan”. Waxaa meeshaas ka cad in Sarkaalka Booliska iyo Xeer Ilaalinta laga rabo caddayn faah faahsan haddii ay qof soo xiraan warqad maxkamad la’aanteed. Farqada 3aad ee Qodobka 39aad ayaa sheegaya in marka garsooruhu ka bogto warkaasi kooban in haddii aan la keenin caddayn lagu heli karo warqad maxkamadeed uu garsooruhu amrayo in si deg deg ah loo sii daayo ruuxa xiran. Tan kale, maadaama Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayna amrin in lasoo xiro Cabdiraxmaan waxay caddaynaysaa in ayna jirin xaalad qasab ka dhigaysay in la weeraro oo dadna la laalyo oo lasoo xiro Cabdiraxmaan. Qoodbka 58aad ee XHCS waxa uu sheegayaa in marka qof lagu soo xiro warqad maxkamad la’aan waxaa sarkaalka booliska ah ee fulinaya baaritaanka ogaysiinayaa garsooraha maxkamadeed ee ugu dhow iyo sidoo kale xeer ilaaliyaga isagoo u caddaynaya a) sababaha lagama maarka u noqotay [xiritaanka] iyo b) natiijada ka soo baxday baaritaanka.

Sida aan ognahay markii Cabdiraxmaan Cabdishakuur la horkeenay Maxkamadda Gobolka Banaadir 20kii Disember, Xeer Ilaaliyaha ma keenin wax caddayn ah waxa uuna dalbaday in waqti dheeri ah la siiyo oo uu baaritaan ku sameeyo. Waxaa meeshaas ka muuqda in maadaama aan wax caddayn ah la soo bandhigin ayna jirin wax sabab deg deg ah oo khasab ka dhigtay in lasoo xiro markii hore si waafaqsan qodobada 35, 36  iyo 37 ee XHCS. Xeer Illaaiyaha waxaa uu amray in la weeraro guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur si lid ku ah qodobka 19aad ee Dastuurka KMGka ah iyo qawaaniinta kale ee dalka. Weerarkaas waxaa si sharci raddo ah ugu dhintay 5 muwaadin oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Xeer Ilaaliyaha xaq uma laha in uu marka hore weerar amro oo dad muwaadiniin ah dilo, ka bacdina dalbado waqti uu baatitaan ku sameeyo. Ciidankii la dilay ma helin lama baarin baaro qaabkii ay u dhinteen oo xabaal wadareed ayaa lagu aasay.

Waxaa kale oo dhacday in habeenkii 19kii Disember xabsiga laga sii daayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur eyada oo la cuskanayo warqad dammaanad ah oo uu saxiixay Xeer Ilaaliyaga Guud. Sida ku cad qodobka 60aad ee XHCS , damiin waxaa bixin kara oo keli ah “garsooraha la horkeenay ruuxa xiran amar garsoore awood u leh.” Xeer Ilaaliyaha waxaa uu laba goor si sharci darro ah ugu fariistay kursiga garsooraha, waa markii uu bixiyey amarkii lagu weeraray guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sida sharciddarada ah loogu laayey muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyo markii uu saxiixay warqadda damiinta ah oo uu ku sii daayey ruuxa xiran taas oo si cad lid ugu ah Qod. 60aad ee XHCS.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaa uu si waafaqsan qodobbada 38aad, 39aad,58aad, 60aad ee XHCS deg deg ku sii deysay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Guddoomiyaha Maxkamadda waxa uu isaga oo cuskanaya qodobka 13aad ee XHCS sheegay in aan eedaysanaha mar kale lagu soo eedayn karin xaqiiqooyinkii hore oo kale. Qodobka 13(3)aad ee XHCS waxa uu leeyahay “Eedaysanaha, kadib ugu dambayntii markii la xukumay  ama dembi lagu waayey, amase kadib markii la amray in aan la sii wedin dacwada… mar kale isla xaqiiqiooyinkii lagu eedeyn karin.” Maadaama Maxkamadda Gobolku amartay in aan dacwada lasii wadin oo la sii daayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aan dacwadda la guda gelin kiiskaas rafcaan lagama qaadan karo.  Booliska haddii uu rabo baaritaan ayuu samayn karaa oo haddii uu helo caddaymo maxkamadda ayuu ku soo noqon karaa si uu ogolaansho u weydiisto. Waxaa kale oo muhiim ah in in la ogaado qalabkii iyo wixii kale oo laga qaaday guriga sharciddarada lagu galay looma isticmaali karo caddayn ahaan maxkamadda horteeda. Midda kale, Xeer Ilaaliyaha asaga oo aan haynin cadayn ayuu soo xiray Cabdiraxmaan oo la weeraray gurigiisa, marka ma waafaqsana dartuurka iyo qodobada XHCS in uu waqti dheeri ah dalbado maadaama uuna markii hore haysan ogolaasho garsoore. Tani waxay lamid noqonaysaa in aad qof meel maraya toogato oo disho oo aad markaas jeebkiisa ka baarto cadayn in uu watay wax sababi kara in la dilo.

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka banaadir ma soo ban dhigin sababaynta ay Xeer Ilaalinta ugu ogolaatay in la siiyo waqtiga saa’idka ah oo ay baaritaanka ku sameeyaan. Marka la raaco qodobada 38,39 iyo 58 ee XHCS iyo qodobka 19aad ee Dastuurka, Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir sharci ahaan xaq uma lahayn in ay Xeer Ilaalinta waqti dheeri ah siiso oo baaritaan ay ku samayso maadaama ayna soo bandhigin wax caddayn ah oo markii horeba lagu soo xiray muwaadinka. Midda kale, arrinka la horgeeyey Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay ahayd in xabsiga lagu sii hayn karo Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo in kale. Sida xeer Ilaaliyuhu sheegay waxa ay rafcaanka ka qaateen waxa uu ahaa sii daynta xabsiga laga sii daayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Maxkamadda Rafcaanku kama hadlin arrinkii ugu muhiimsanaa oo rafcaanka laga qaatay. Taas ayaana muujinaysa in Maxkamadda Rafcaanku ayna go’aankeeda sharciga ku salayn.  Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir waxay go’aankeeda ku sheegtay in ay amartay in rafcaan la qaadan karo, markii ay aqbashay in ay dhagaysato dacwada ayeyba horey rafcaan u oggolaatay marka hadda in ay go’aan ahaan u soo saarto muhiim ma ahayn. Arrinka rafcaanka laga qaatay waxay ahayd in Cabdiraxmaan Cabdishakuur xabsiga lagu sii hayn karo iyo in weerarkii gurigiisa lagu qaaday oo aan loo haysan amar garsoore uu sharciga waafaqsanaa iyo in kale. Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir kama jawaabin su’aalihaas oo sal u ahaa dacwadda hor taal.  Maadaama aan Maxkamadda Rafcaanku amrin in xabsi lagu sii haayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, aanan lagu siideyn damiin si waafaqsan Qod.60aad ee XHCS, waxaa cad in weerarkii gurigiisa iyo soo xiritaankiisii uu sharci darro ahaa oo ayna jirin arrin deg deg ah oo keeni kartay in oggolaasho garsoore la’aantiis la weeraro.

Aragtidayda Cabdiraxman Cabdishakur wuu ku saxsanaa in uu diido in uu xaadiro Maxkmadda rafcaanka Gobolka Banaadir sababtoo ah waxay u muuqataa maxkamadayn siyaasadeed (show trial), haddii uu tagi lahaana waxay sharciyeyn lahayd xarigiisii sharcidarrada ahaa iyo dilkii sharcidarrada ahaa oo loo gaystay ilaaladiisii.

  1. Gunaanad iyo Talo soo Jeedin

Dalka Soomaaliya oo hadda ka soo baxaya colaad hubaysan oo ayna weli si fiican u shaqaynayn hay’adihiisa garsoorka iyo ammaanka, waa tallaabo aan loo baahnayn in hay’adaha xeer ilaalinta iyo garsoorka loo isticmaalo caburinta mucaaradka si aan sharciga waafaqsanayn. Sida aan ku caddaynay falanqaynta kore, Xeer Ilaaliyha waxa uu ku fariistay kuraas aan sharcigu u bannaynayn. Tan koowaad, waxaa uu bixiyey amar lagu weeraro siyaasi mucaarad ah oo uuna wax caddayn ah u hayn sida uu ka hor caddeeyey Maxkamadda Gobolka Banaadir oo waxa uu si sharciraddo ah ku qaatay kaalintii garsoorka. Tan labaad, waxaa uu saxiixay warqad damaanad ah oo lagu sii daayey ruux xiran taas oo ka hor imaanaysa qodobka 60aad ee XHCS oo siinaya awoodda damiin ku siidaynta ruuxa xiran garsoore maxkamadeed oo keli ah. Waxa uu qaatay kaalintii Sarlaalka Booliska oo u xilsaaran baaritaanka dambiyada. Weerarka lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan cabdishkur ma waafaqsanayn Dastuurka iyo XHCS. Muwaadiniintii la dilay waxaa lagu xadgudbay xaqoodii dastuuriga ahaa oo ah in ay noolaadaan (right to life). Maadaama sharcidarro loo dilay waa in masuuliyadda dilkooda lagula xisaabtamaa dadkii fuliyey iyo kuwii amray.

Maxkamadda Gobolka Banaadir sharci ahaan waa ku saxsanayd in ay sii dayso Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan maadaama aan lagu soo xirin si sharciga waafaqsan lana keenin caddaymo iyo sababo khasab ka dhigayey in lasoo xiro warqad garsoore la’aanteed. Laakiin aragtidayda, maxkamaddu kuma saxsana in ay cuskato qodobka 13aad ee XHCS maadaama aan dacwada la guda gelin. Sidoo kale Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir sharci ahaan uma laha in ay siiso waqti baaritaan dheeraad ah qof markii hore sharcidarro lagu soo xiray aan waafaqsanayn qodobada aan kor ku xusnay.  Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir kama jawaabin arrinkii ugu muhiinsanaa oo horyaallay oo dacwaddu ku saabsanayd. Dacwaddu waxay ku saabsanayd in ay qaanuunka waafaqsanayd weerarkii guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo xiritaankiisii eyada oo aan loo haysan amar garsoore. Waxay kale oo ay ku saabsanayd in la hayo caddaymo muujinaya in ay jirtay xaalad deg deg ah oo keeni kartay in la weeraro guriga lana soo xiro muwaadinka warqad maxkamadeed la’aanteed. Xeer Ilaalintu awalba waqti ay wax ku baarto waa haysatay waxayna ka codsan kartay booliska in ay baaritaan sameeyaan intii ayna weerarka sharcidarrada ah qaadin. Laakiin su’aashu waxay ahayd ma jirtay xaalad deg deg ah oo khasab ka dhigtay in la weeraro guriga muwaadinka. Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir arrinkaas kama hadlin, taasna aragtidayda waxay muujinaysaa in ay siyaasadaysneed dacwadda maxkamadda maadaama ayna ka jawaabin su’aalihii qaanuuniga ahaa oo hor yaallay.

Maxkamadaha Soomaaliya waxaa laga rabaa in ay sababeeyaan go’aamada ay gaarayaan si loo fahmo qaabka ay go’aanka ku gaareen iyo doodda ay isticmaaleen. Kuma filna in la magacaabo qodobada sharciga oo kali ah. Haddii la rabo in laga horyimaado go’aanka maxkamadda waa in la helaa go’aan sababaysan oo ay ku dheehan tahay dood qoto dheer oo sharciyeed, haddii kale qof kasta oo soo akhriya Xeerka Habraaca Ciqaabta iyo Xeerka Ciqaabta ayaa qaalli noqon kara haddii aan laga rabin wax ka badan magacaabidda qodobada.

Dhowr iyo tobankii sano oo lasoo dhaafay dalka waxaa ka jiray mucaarad kasoo horjeeday xukuumadihii iyo dowladihii dalka soo maray, waxaana loola dhaqmi jirey si nabdoon. Isticmaalka rabshada siyaasadda (political violence) waxay keenysaa in caqabado aan laga gudbi karin ku yimaadaan dhismha dowlad shaqaysa, ayna kororto aaminrddada laga qabo dowladda, taas oo fogaynaysa xalka. Xilliyadii lasoo dhaafay waxaa dalka ka hana qaadayey dhaqan isku dulqaadasho oo si nabdoon loo wadaagayey siyaasadda. Tallaabooyinkan isticlaalka awoodda iyo ku hanjabiddeeda waxay burburinaysaa dhaqankaas waxayna sababi kartaa ammaan darro iyo dhaawac ku yimaada dowladnimada Soomaaliya. Haddii hadda la ogolaado waxay noqonaysaa dhaqan ay dowlad kasta u isticmaasho mucaaradkeeda oo dad hadda taageersan dowladdan ayaa dowladaha dambe u isticmaali karaan. Waxaa loo baahan yahay in la helo qaab mucaaradka iyo dowladdu ay si nabdoon u wadaagi karaan masraxa siyaasadda eyaga oo labaduba fiirinaya danta guud ee Qaranka Soomaaliyeed kana fo’aanaya danaha waqtiga gaaban oo hagaya siyaasadda Soomaaliya waqtigaan. Hay’adaha garsoorka waxaa hareereeyey musuqmaasuq baahsan taas oo keentay in inta badan shacabku kalsooni ku qabin waana in sida ugu dhaqsaha badan dib u habayn lagu sameeyaa. Caddaaladda oo hagaagta waa qaabka keli ah oo lagu dhisi karo dowlad shaqaysa oo hesha kalsoonida shacabka Soomaaliyeed. Sidaas daraadeed waxaa muhiim ah in hay’adaha caddaaladda dib u habayn lagu sameeyo eyada oo laga billaabayo dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka.

Ahmed Ali M. Khayre, PhD

Ahmedakhayre@gmail.com

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW