U bood dhigaalka

Kiiska Gurbiye oo Lasoo Gabagabeeyey, Akhriso Wixii Dhacay

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta lasoo gabagabeeyey kiiska dacwadda lagu soo oogay tifaftiraha guud ee Goobjoog Cabdicasis Axmed Gurbiye iyada oo la sugayo go’aanka kama dambeyska ah ee maxkamadda gobolka Banaadir,Dacwaddan oo markii 3aad la dhageystay ayey xeer ilaalinta la timid eedeyn been ah taas oo qareennada Gurbiye iska fogeeyeen.

Qareenka Cabdicasis Gurbiye, Daahir Carab oo saxaafadda la hadlay maxkamadda kadib ayaa sheegay in dhageysiga dacwadda ay dhamaatay, isla markaana ay sugayaan go’aanka maxkamadda ” Saaka waxaa la galay dacwadda nuxurkeeda, xafiiska xeer ilaalinta waxaa uu soo bandhigay eediisa, innaga waxaan soo bandhignay difaaceenna, waxaa la sugaa go’aanka, waa dhammaatay dhammaad heerarkii dacwo dhageysiga waa dhamaatay,maxkamadda waxaan ka rajeyneynaa wanaag,maxkamadda ay waqtigeeda soo sheegi doonto”

Maxamed Ibraahim Macalimu oo ah xogheyaha guud ee FESOJ ayaa ka codsaday maxkamadda iney cadaalad sameyso isaga oo yiri” Go’aanka maxkamadda waan ku kalsoonahay, garsoorkana aan cadaalad ka fileyno. Waxaan  aaminsanahay in kiiskan oo meelaha qaar ka siyaasadeysan yahay, waqtiga dheer ee uu soo socday iyo isbadalbadalka,laakin sharciga ayaan ku kalsoonahay”.

Cabdalla Muumin oo ah Xoghayaha SJS oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kiiskan uu been abuur yahay,oo weliba siyaasadeysan.

” Waxaa layaab leh iney keeneen qof baare ah oo ay yiraahdeen booliiska ayuu ka tirsan yahay,oo aan dacwadda waxba ka ogeyn,waxay kale oo ay keeneen warqad saaka lasoo qoray oo ay leeyihiin isbitaalka Martiini ayaa laga keenay,oo markii la baaray noqotay wax lasoo dhoodhoobey, baaraha ma yaqaano Facebook, baraha bulshadana ma isticmaalo””.

Agaasime Ku-xigeenka Goobjoog Cabdicasis Gurbiye waxaa uu wajahayaa kiis tan iyo markii la xiray 14-kii April, heyádaha saxaafadda, siyaasiyiin, bulshada rayidka iyo heyádo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dalbaday in la laalo kiiskan, Gurbiyana loo ogolaado inuu shaqeysto.

Goobjoog News