U bood dhigaalka

Kiiskii Badda oo Soomaaliya Ku Guuleysatay Balse Qeyb Baddii ka mid Kenya loo jaray

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhow soo baxay go’aanka maxkmadda cadliga adduunka iyada oo kiiska ay Soomaaliya ku guuleystay laakin dhulkii ay rabtay ma wada helin, oo Kenya ayaa qeyb heshay.

ICJ marka kiis ahaan la fiiriyo waxay u hiilisay Soomaaliya oo sheegashada equidistant ayaa la qaatay, Kenya waa laga adkaaday, laakin sidoo kale maxkamadda waxay dhulkii Soomaaliya ay sheegayay qeyb ka mid ah u jartay Kenaya.

Go’aanka ICJ waxaa ay raacay qaabka xariiqda ay Soomaaliya dooneysay, oo waa uu diiday xagashii qaloocneyd ee Kenya, laakin waxaa ay maxkamadda in Kenya ay siisay dhul ratio ay Soomaaliya heli laheyd 1:1.43 waxay xukuntay in Kenaya ka hesho 1:1.3

Dhulka Kenya loo jaray waxaa horay baaris uga sameeyey shirkado shidaal oo caalamiga ah, arrintaas oo Nairobi u ah guul.

 

GOONJOOG NEWS