U bood dhigaalka

Kindu: Dadkeennu Aad Ayeey U Gaajoonayaan

Sheeko:Amniga

Waxaa sii badanaya dadka ay soo wajaheyso caaladaha nolol xuma ee ku hoos jiro deeganada dagaalada ay ka socdaan ee gobalka Tigrayga.

Sawiro laga soo qaaday Isbitaalka wayn ee magaalada Make’lle ee caasimadda u ah gobalka dhaca waqooyiga dalka Itoobiya ee Tigray ayaa muujinaya macluul aad u daran oo soo foodsartay dadka mudada sanadka ah ku hoosjira dhawaqa hubka ay isweydaarsanayaan labada dhinac ee dagaalka u dhaxeeyo.

Qaramada Midoobay ayaa horay u sheegtay in inkabadan 400,000 qof oo ku sugan Tigrayga ay soo wajahday baahi daran, ayna u baahan yihiin gar gaar bini’aadanimo oo deg deg ah.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF, ayaa dhankeeda sheegtay in 100,000 ah ay baahi la soo deristay, kuwaas oo hadda la sheegay in ay qaarkood geeri afka u saaran yihiin.

Qaramada Midoobay ayaa horay labada dhinac ugu eedeysay in ay galeen tacadiyo bini aadanimada ka dhan ah oo ka dhacay intii dagaalka uu socday ee 10 bil ah.

Dadka ku nool Gobalka ayaa sidoo kale sheegay in ay sii xumaaneyso xaaladooda nololeed oo ay geeri ku dhaw yihiin.

Kindu Fenta waa wiil dhalinyaro ah kaas oo sawira la qaaday ay muujinayaan xilli uu ku jiray fasalkii uu wax ku baran jiray ka hor dagaalka oo ay hadda la sheegay in ay iskuulka oo idil ay  bililiqaysteen Kooxa taageersan TPLF, waxa uuna ku yaalla iskuulka  magaalada Zarima.

Kindu ayaa sheegay in ay soo wajahday dadkiisa baahi daran isagoo wargeysyada u sheegay in ay geeri ku dhaw yihiin.

“Dadkeennu aad ayeey u gaajoonayaan” ayuu yiri Kindu Fenta, xilli uu ilmeynayay.

Goobjoog News