U bood dhigaalka

Kismaayo: Dad Uu Soo Ritay Cudurka Shuban Biyoodka Oo La Dhigay Isbitaal

Sheeko:Dalka

Dad uu soo ritay cudurka Shuban-biyoodka ayaa la dhigay Isbitaalka magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose.

Dadkan ayaa waxaa laga keenay deegaannada hoos yimaada Kismaayo, halka kuwo kalana laga keenay xaafadaha magaalada Kismaayo.

Dadkan oo qaarkood la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in markii ay ka waayeen deegaannadoodii wax dawooyin ah ay danta ku qasabtay in ay u soo safraan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose.

Haddaba waa kuwaan qaar ka mid ah hadalladoodii  “Halkan waxaan u imaaday qof xanuunsan ayaan wadaa waxaana ku dhacay Shuban-biyood, halkan waxaan ka helnay dawo fiican “.

Qof kale waxaa uu yiri “ Caloosha ayaa i xanuuneysa waxaan dhigayey biyo caadi ah oo kuleyl ah “.

Dr Axmed Xasan oo ah agaasimaha Isbitaalka Daryeel ayaa Goobjoog News uga warramay waxyaabaha keena Shuban-biyoodka waxaa uuna yiri.

“Labadii Bilood ee ugu dambeeyay waxaa magaalada ka jiray Shuban, shubankaasna lama dhihi karo waa Koleera inta badan waa shuban-biyoodka caadiga ah ee dhaca, shubanka waxaa uu ka mid yahay cudurrada soo noqnoqda “.

Dadkan ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen deegaannada hoos yimaada magaalada Kismaayo waxaana hadda lala tacaalayaa xaaladdooda caafimaad.

Goobjoog News