U bood dhigaalka

Kismaayo: Diyaar-garowga Doorashada Jubbaland oo Si Habsami Leh U Socota

Sheeko:Dalka

Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa sheegaya in si habsami leh u socota diyaar-garowga doorashada lagu wado iney bishan ka dhaco magaalada xarunta ah ee Kismaayo.

AMISOM ayaa la go’aamiyey in ay la wareegto sugidda amniga magaalada iyo xarunta doorashada, arrintaas waxaa soo dhoweeyey dowlad goboleedka Jubblanad iyo beesha caalamka.

Inkasta oo ay jiraan murashaxiin wada guddi doorasho oo ka baxsan midka maamulka magacaabay, isla markaana diiday odeyaasha dhaqanka iyo xataa  is-diiwaangelinta hadana dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay ku adkeysaneysaa in doorashada ku dhacdo waqtiga loogu talo galay iyo murashaxiinta hadda diiwaan geshan.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ayaa dhowr qoraal ka soo saartay arrimaha doorashada Jubbaland iyada oo shaki gelisay aqoonsiga natiijada doorashada haddii la garab maro waxa ay rabto, arrintaas oo loo arko faragelin qaawan. Villa Somalia waxaa ay ka careysantahay in aaney doorashada Jubbaland u maamulin sida ay ka sameysay Koonfur galbeed, haddana ay wax ku waddo Galmudug.

Dowladda federaalka ah kuma qanacsana madaxweyne Axmed Madoobe iyo maamulkiisa, taa badalkeeda waxaa ay gadaal ka riixeysaa murashaxiin kale, kuwaas oo aan badankood laga aqoon ama wax shaqo ah aan ka qaban deegaannada Jubbaland.

Madaxweyne  Madoobe, oo ka tirsan murashaxiinta is-diiwaangeliyey ayey dadka deegaanka sheegayaan inuu ka gacan sareeyo kuwa kale marka loo fiiriyo khibardiisa iyo horumarka uu deegaanka gaarsiiyey tan 2013-kii.

Mudane Axmed Islaam Madoobe waxaa uu qabsaday Jubbaland iyada oo ay ka soo baxeen dagaallo sokeeye, kana jirin adeeg iyo nidaam dowladnimo, waxaa uuna ka dhigay dowlad goboleedka 2-baad ee ugu wax soo-saar, dhaqaalaha iyo awoodda badan kadib Puntland.

Arrimaha Doorashada Jubbaland, kala soco, Goobjoog News

Goobjoog News