U bood dhigaalka

Kismaayo: Jubbaland Waxay Iska Difaaceysaa Cid Kasta oo Khal-khal iyo Degenaashiyo La’aan Waddo

Sheeko:Amniga

Dowlad goboleedka Jubbaland oo warsaxaafadeed kasoo saartay arrinta Gedo ayaa sheegay wax ay ugu yeertay faragelinta iyo khal-khalka amni ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo gobolka Gedo ee Jubbaland iyada oo intaasi raacisay cawaaqib xumada ka dhalata dhibaatada ay DFS ka waddo gobolka Gedo uu masuuliyadeedda dusha saaran doono Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, waa Farmaajo e.