U bood dhigaalka

Kismaayo Maxaan ku soo Arkay?!

Sheeko:War

Kismayo waa magaalo nabadgalayo dhammaystiran ay ka jirto, nabadda ka jirta ma ah mid dabiica ah oo dhaqan soo jireen ah ku samaystan ee  waa mid karti iyo dedaal hoggaamineed ku samaysantay.

Kismaayo marka laga tago tirada dadka deggan oo ka yar kuwa ku nool Moqdisho, haddana waxay kala mid tahay in ay Soomaali oo dhan ay daggantahay (Qabaailka)

Waxaa ka jira ammaan aysan suurta gal u ahayn Alshabab oo inta badan  3 gobol ee Jubbaland haysta in ay qarax iyo dil ka sameeyaan. Sidoo kale, waxaa ka jira amni ka baxsan dhaqan malaashiyaad ku kici kara faldanbiyeed ka dhan ah bulshada magaalada. Awoodda amniga iyo qoriga hal gacan ayay ku jirtaa; waana gacanta maamulka jubbaland.

Waxaan ku soo arkay askar dishbliin ka fiican kuwa badan oo aan arkey, ka duwan qaab labiska iyo muuqaalka; Ka duwan qaab dhaqameedka iyo howlgalidda. Ka duwan sida checkpoints wax loogu baaro.

Hadalkii oo kooban waa magaalo hoggaanka Jubbland uu ku guulaystay in uu si sax ah u xasiliyo.  Waxaad ogaata in uu amnigu qaali yahay, ninkii magaalo amni kadhigana uu mudan yahay ugu yaraan in loo qiro xitaa haddii la kala ra’yi duwanyahay.

Arimaha siyaasadda

Arimaha siyaasadda waxaa oday Ka ah M. Ahmed Madobe iyo dhowr qof oo kale. Waxayna kala yihiin:

Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Warsme Darwish, wasiirka waxbarashada Macalin Maxamuud, wasiirka maaliyadda Cabdirashid Jire Qaline, wasiirka amniga Abdirashid Janan.

Marka laga tago in uu Axmed yahay nin howlkarnimo, geesino iyo aftahanimo isku darsaday haddana ma leh hoggaamin siyaasadeed oo dhaafsiisan in uu awoodda gacanta ku haysto.

Fahan fiican kama haysto sidii maamulka dowladda loo daadjin lahaa, sidii ganacsiga loogu sahli lahaa in uu bulaalo, sidii dadka loogu fasaxi lahaa in ay doodo siyaaasadeed, bulsho, iyo xisbiyo samaystaan.

Sidoo kale, waxaa maqan dhaqanka muhiimka u ah hanaanka dowladda oo ah in la helo awoodda howl fulinta,barlamaanka iyo garsoorka oo kala madax banaan.

Arinta ah in dhammaan shayga ugu yar iyo kan ugu weyn Axmed loo hoostago waxay khatar ku tahay samaysanka hay’ado aan shaqsi ku xirnayn ee si madaxbanaan shacabka ugu adeega.

Haddii maanta uu Axmed meesha ka baxo, waxay u badantahay in ay magaaladu ama Jubbalandba ay fowdo ama jaha wareer galikarto maxaa yeelay ma jiraan nidaam diyaarsan oo ay tahay in uu shaqada sii wado. Maamulka halka qof ku dhisan caadi ahaan wuxuu la baxaa qofka. Sidaas darteed, waa in laga fikiraa sidoo loo samayn lahaa hay’ado shaqeeya oo aan qof ku xirnayn.

Caddaaladda bulsho

Markii aan garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ka dagay waxaa gudaha  ku jiray dhowr tagsi, nasiib darro way iga buuxsmeen. Waxaa la ii sheegay In  ay banaanka  taaganyihiin tagaasii kale. Markii aan boorasdii soo jiitay ee aan banaanka imid waxaan ugu imid kuwa badan oo baakin ku jira. Mid ka mid ah tagaasiilaydii banaanka taagnayd ayaan wiidiiyay:

maxaad gudaha u soo gali waysay?

Wuxuu iigu jawaabay naloomo ogolo

Haye maxay ahaayeen 3 tagsi ee gudaha ku jirtay?

Waxaa iska leh askar!

Arintaas maad ka dhiidhisaan?

Saas ayaan kula tala jirnaa, laakiin waxaa laga yaabaa in ay nooga darto!

Arin  taas la mid ah waxaa ii sheegay nin aan saaxiib  nahay oo magaalada Moqdishu dagan; waa nin aan run ku aqaano, laguna kal soonaan karo.

Wuxuu igu yiri dhul ayaan xeebta Kismaayo ka iibsaday ilaa $50,000 iigu kacay, dhulkaas waxaan rabay in aan mustqabalka hoteel weyn ka dhiso. Nasiib darro, wuxuu yiri dhulkii waxaa ku habsday askar ka tirsan Jubbland oo yiri wax ka jira lama arko waxaad iibsatay ee hadda dib nooga laba iibso.

Wuxuu yiri maamulka sare ayaan arintaas ugu dacwooday ilaa haddana waxba kama hagaagin.

Arinta sedaxaad waxay tahay shaqooyinka dowladda iyo fursadaha kale ee soo baxa looma sino.

Dad aan la sheekaystay oo magaalada degan waxay ii sheegeen in shaqooyinka wasaaradaha iyo fursadaha kale ee maamul ahaan u soo baxa ay go’aan ka gaaraan maamulka saare. Inta badan waxaa fursadahaas hela dadka ay isku haybta yihiin maamulka sare ee Jubbaland. Arintaas waxay dhaawac ku tahay caddaaladda ijtimaaciga oo ay tahay in la ilaaliyo.

 

Taas macnaheedo kama dhigno in caddaaladda bulsho ay eber tahay. Saad la socotaan 7 askri oo laba nin oo ganacsata ah dishay ayaa loo dilay. Arintaas waxay ku tusaysaa in dareen ah in la ilaaliyo caddaaladda uu ku jiro maamulka, laakiin waan in la saxaa qaybta khaldan. Qaabka kali ah ee loo sixi karo waa in la helaa nidaam maamul iyo caddaladeed oo ka madax banaan shaqsi amarkiis ama go’aankiis.

Ciidamada ajaanibta

Magaalada waxaa ku sugan labo ciidan oo kala ah Itoobiyaan iyo kenyaan. Labada ciidan waxay si toos ula shaqeeyaan dowladda goboleedka jubbaland. Sida la ii sheegay wax xiriir ah lama leh dowladda federaalka ee Soomaaliya.

 

Gababgabo,

  1. Axmed madoobe waxaa laga rabaa in uu fahmo muhimadda ay leedahay in salka loo aaso nidaam asaga la’aantii shaqayn kara oo dadka reer jubbland iyo soomaaliba ka faa’iidi karaan.

Arintaas waxay suurtagal ku tahay in uu fahmo in arimaha maamulka iyo caddaaladda in la daadjin karo, loona dhiibi karo dad karti iyo aqoon u leh arimahaas dareen akhlaaqiyeed iyo mid bulshana uu ku jiro.

Sidoo kale, waxaa laga rabaa in uu ogolaado in dhadhaqaaq siyaasadeed, saxaafadeed, iyo bulshaba dadku samaysan karaan ayaga oo aan cidna ka baqaynin sharciga mooyiin.

Aniga oo caddaalad u hadlya waxaan ogahay in uu Axmed Madoobe ka karti badanyahay dhammaan musharaxiinta maanta rabta in ay jubbland madax ka noqdaan laakiin taas macnaheedo ma ah in raali laga ahaan karo qalafsanaan ah ama aniga ama horay u sii soco.

Ahmed Abdihadi,

Freelance Journalist and Political analyst

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan

Si, Goobjoog News u soo daabacdo qoraalkaaga…..fadlan ku soo dir; [email protected]