U bood dhigaalka

Kismaayo : Rasaas Loogu Dabaal Dagey Xusseen Cabdi Xalane

Sheeko:Dalka

KismaayoMaanta magaalada Kismaayo waxaa ka dhacdey rasaas xoogan oo kor loo ridayay, iyada oo la adeegsanayay hubka fudud iyo waliba hubka tiknikada kadib markii halkaasi uu gaarey war been abuur ah oo ku saabsan in xilka Ra’isulwasaaraha loo magacaabay Xusseen Cabdi Xalane oo hadda ah sii hayaha wasiirka Maaliyadda.

Sida uu kusoo waramayo wariyaheena magaalada Kismaayo, mar kaliya ayaa magaalada waxaa qabsaday dhawaaqa rasaasta iyo hoonka baabuurta, iyada oo la arkayay dad lacago qeybinaya iyo kuwa qeybinaya boorar uu ku yaalo sawirka Xalane.

Waxa ay dadka iyo ciidamada maamulka Jubba u damaashadayeen warka ku saabsan in Xuseen Cabdi Xalane loo magacaabay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii damaashadaayay oo aan la hadalnay qaarkood, warkaasi waxa uu ahaa mid been abuur ah oo aanan la ogeyn halka uu magaalada ka gaarey.

Xaaladda ayaa faraha ka bixi gaartay kadib markii rasaasta ay aad u xoogeysatay, waxayna saraakiisha maamulka ku qasbanaadeen in ay idaacadda Kismaayo kala hadlaan askarta, iyaga oo u digey askarta rasaasta rideysa in talaabo sharci ah laga qaadi doono.

Rasaasta iyo damaashaadka ayaa joogsaday markii amarka maamulka idaacadda laga baahiyey, sidoo kalena la baahiyey in aysan jirin wax Ra’isulwasaare ah oo la magacaabay.

6-dii bishan ayuu baarlamaanka Soomaaliya kalsoonida kala noqdey Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed iyo xukuumadiisa, waxaana lagu wadaa in madaxweyne Xassan Sheekh uu soo magacaabi doono Ra’isulwasaare.

Xuseen Cabdi Xalane ayaa ka mid ah dadka aadka loogu filayo in xilkani loo magacaabo, balse wali ma jirto cid madaxweynaha uu u magacaabay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya.

Goobjoog News