U bood dhigaalka

Koofur Afrika: Weerar Lagu Qaaday Masjid Ay Dad Ku Tukanayeen

Sheeko:Dalka

Saddex qof oo ku hubeysan qoryo iyo Midiyo ayaa waxay weerareen Masjid ku yaallo meel u dhow magaalada Durban ee dalka Koofur Afrika.

Kooxaha weerarka ku soo qaaday Masjidka waxaa ay Gowraceen saddex qof oo ku jiray gudaha Masjidka, sida uu sheegay Il ka tirsan gurmadka degdegga ah.

Durban ayaa ah meelaha ku horumarsan warshadaha ee dalka, waxaa ku nool Jaaliyado badan oo ka mid ah dadka Ajanabiga ah, sidoo kale magaaladan ayey waxay soo jiidataa dalxiisayaal badan, balse waxa la sheegaa in ay ku yaryihiin magaaladan falalka la xiriirka xagjirnimada kooxaha Islaamiyiinta ah.

Mr Balram oo ah afhayeenka kooxaha Gurmadyada oo goobta ay wax ka dhaceen tagay ayaa yiri “ Mid ka mid ah saddexda qof waxaa uu ku sii dhintay wadada intii loo sii waday Isbitaalka, sidoo kale dhaawacyada labada kale ayaa ah mid aad halis u ah”.

Waxaa uu intaas ku daray in asbaabta ka dambeysa weerarkan aan ilaa iyo hadda lagaraneynin, balse waxaa uu tilmaamay in eedeysanayaasha oo saddex ahaa in goobta weerarka ay ka carareen iyaga oo watay gaari cad.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxaha Falka geystay oo ka koobnaa saddex dabley ah ay u dhasheen Masar.

Afahyeen u hadlay booliska ayaa sheegay in goobta weerarka uu ka dhacay ay ka heleen Mindi, taasi oo loo adeegsaday in lagu fuliyey dambiga.

War-murtiyeed ay soo saareen Booliska ayaa lagu sheegay in saddex nin oo aan lagaraneynin ay gudaha u galeen Masjidka salaadii Duhur ka dib halkaasna ay ku dileen saddexda qof.

Booliska ayaa sheegay in eedeysanayaasha ay xabado ku fureen qaar ka mid ah qolalka Masjidka ka hor inta aysan ku baxsan gaarigooda.

Goobjoog News