U bood dhigaalka

Koonfur-galbeed: Al-shabaab Oo Ciidamada Dowladda Kula Dagaalamay Baraawe

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamada dowladda iyo ururka Al-shabaab ku dhexmaray magaalada Baraawe ee xarunta u ah maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubna katirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowlad gobaleedka Koonfur galbeed iyo kuwa DF ay ku lahaayeen garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe ee xarunta maamulka koonfur galbeed.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmada baraawe , ayaa sheegay in ay khasaaro gaarsiyeen kooxdii Al-shabaab ka tirsaneyd ee soo weerartay ciidamada dowladda.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda ay ka hortageen weerarka o uu sheegay in ay ciidamadu la socdeen qorshahiisa.

Abaanduulaha ururka 25-aad guutada 6-aad qeybta 60-aad Maxamed Cali Jaamow iyo guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda degmada Baraawe Ismaaciil Cabdullahi ayaa sheegay in ay dileen shan ka mid kooxdii weerarka soo qaadday.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale waxaa dagaalka kala qeyb qaatay ciidamo ka tirsan howlgalka midawga nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM, kuwaas oo ka barbar dagaalamayay ciidamada Xoogga.

Goobjoog News