U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed : Guddiga Doorashada Oo Bilaabay Diyaar Garowga Doorashada Aqalka Sare

Sheeko:Amniga

Guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ayaa la wareegay qalabka lagu qabanayo doorashada aqalka sare.

Magaalada baydhabo ayaa goordhaw la gaarsiiyay sanaadiqda codadka lagu diro iyo waraaqaha codbixinta doorasha aqalka sare.

Koonfur galbeed ayaana noqday maamulkii labaad ee bilaaba diyaar garowga doorashada aqalka sare ee dalka kadib maamulka Jubbaland .

Dhanka kale madaxweynaha Koonfur galeed Cabdi casiis lafta gareen ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada baydhabo iyadoo lagu wado in saacadaha soo socda ee maanta uu ku dhawaaqo liiska xubnaha musharixiinta aqalka sare ee dalka.

Goobjoog News