U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed Iyo Puntland Oo U Gudbay Wareega Afar Dhamaadka Tartanka Kubbadda  Cagta Maamul Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir

Sheeko:Cayaaraha

kooxaha Puntland iyo Koonfur Galbeed oo wada dheelay kulankii 6-aad ee tartanka Kubbadda Cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ku kala baxay barbaro 1-1,waxayna labada koox u soo gudbeen Wareega Afar dhamaadka tartanka,waxaana Group-B iskaga haray ciyaartooyda Jubaland oo koobka difaacanaya kuna guulaystay sanadii 2017,iyagoo ka qaaday kooxda Puntland.

“Waan ku faraxsanahay wax qabadka wnaagsan ay soo bandhigeyn xidigaheena,waxaan balan qaadaynaa in aan garab istaagno maamulka,macallimiinta iyo cioyaartooyda kooxda kubbadda cagta Koonfur Galbeed” ayuu Goobjog Sports u sheegay Ibraahim Aadan Najax oo ah Wasiirka Ciyaaraha & Dhalinyarada Koonfur Galbeed 

“Runtii Taageerayaasha Koonfur Galbeed waxay ka badiyanyihiin kuwa Gobolka Banaadir,waxaan ugu mahad celinaynaa sida wanaagsan ay u dhiiri-geliyeen ciyaartoyda Koonfur Galbeed” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye).

Si kastaba Wareege Afar dhamaadka tartanla Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 waxaa u soo baxay kooxaha Gobolka Banadir,Galmudug Koonfur Galbeed iyo Puntland,iyadoo tartanka ay iskaga hareyn  Hirshabeele iyo Jubaland oo koobkan difaacnaysa.

Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Koonfur Galbeed Iyo Puntland

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle