U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed oo Amniga u Saartey Guddi Wasiiro Ah

Sheeko:Dalka

wasiirada Koonfur GalbeedWaxaa magaalada Baydhabo kasii socda kulamada ay yeelanayaan wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ee dhawaanta la dhisey, kulankii maanta oo ka dhacay hoolka shirarka Baydhabo ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo samayn lahaa gudi heer wasiiro ah oo wasiirka amniga kala shaqeeyana arrimaha xasilinta ammaanka.

Waxaa kale oo wasiirada oo midmid u hadlay ay sharaxeen qorshe hawleedka wasaaradaha loo magacaabay iyo hiigsiga wasaaradda.

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ah wasiirka warfaafinta ayaa warfidiyeenada u sheegey in kulamada ay sii socon doonaan, shaqana la dardar galin doono.

 

Dhageyso

Goobjoog News