U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed Oo Diyaar Wanaagsan Ku Qaadanaya Garoomada Ciyaaraha Magaalada Muqdisho

Sheeko:Cayaaraha

Ciyaaryahanada Kooxda Kubbadda Cagta Koonfur Galbeed oo sanadkan ka qeyb galaya tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 ayaa diyaar garow wanaagsan ku qaadanaya garoomada ciyaaraha MagaaladaMuqdishoee caasimada,iyagoo sanadkan rajaynaya in ay gaaraan kaalama hore tartanka.

“Rajo weyn ayaan ka qabnaa in aan sanadkan ku guulaysano tartanka Maamul Goboleedyada,waxaan u mahad celinaynaa Madaxweyanaha Koonfur Galbeed iyo Golahiisa Wasiirada iyo dhamaan golayaasha Dowladda kaalinta ay ka qaateen horomarka ciyaaryahanada iyo macallimiinta” ayuu warbaahinta u sheegay Nuur Xaaji Haafow oo ah Maamulaha kooxda kubbadda cagta Koonfur Galbeed.

Agaasiamaha Wasaarada Ciyaaraha iyo dhallinyarda Koonfur Galbeed Deeq Ibraahim Aadan ayaa guul u rajeeyay laacibinta matalaya Maamulkooda,isagoo sheegay in Wasaarada Isboortiga iyo guud ahaan maamulka ay garab taaganyihiin laacibiinta iyo macalliimiinta matalaya.

“Bilooyinkii la soo dhaafay ayaan si wanaagsan isku diyaarinay Magaalada Baydhabo,iminka Muqdisho ayaan isu diyaarinaynaa,waxaan haystaa ciyaartooy wanaagsan,yoolkeense waa in aan tiigsanaa kaalamaha hore tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020” ayuu warbaahinta u sheegay tababaraha kooxda Koonfur Galbeed Axmed Cabdiraxmaan (Gidaamow)

Daawo Warbixin Ku Saabsan Diyaar Garowka Kooxda Koonfur Galbeed

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle