U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed oo Ka Warbixisay Xarigga Wakiil Wareedkii VOA-Ee Deegaannadaas

Sheeko:Amniga

Dowlad goboledka  Koonfur Galbeed ayaa ka warbixisay xarigga Weriye Mukhtaar Maxamed Catoosh oo ahaa wakiil wareedkii deegaannadaas ee VOA, kaas oo 19 bisha  lagu xiray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa faahfahiyey xariga wariyaha iyo sababta loo xiray isaga oo sheegay in uu hadal been abuur ah ka siidaayey VOA lana soo taagayo sharciga sida uu hadalka u dhigay wasiirka

Wariye Muqtaar ayaa maalintii sedexaad u xiran Koonfur Galbeed ka dib markii uu tabiyey war la xiriiray fal Kufsi ah oo ka dhacay gobolka Shabeellaha hoos oo loo geystay dumar ku siijeeday Baydhabo kana baxay Muqdisho.

                                                              Halkaan ka daawo

https://www.facebook.com/Dhaayow655/videos/1315150978668038/?t=0

Goobjoog News