U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed Oo Shaacisay Liiska 5 Kursi Oo Doorashadooda La Qabanayo

Sheeko:Amniga

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka koonfur galbeed ayaa shaaciyay liiska shan kursi oo doorashadooda la qabanayo.

Doorashada kuraasta la shaaciyay ayaa kala ah HOP#159, HOP#175, HOP#177, HOP#1885 iyo HOP#188.

Kuraastaan ayaa lagu wadaa sidoo kale in maalmaha soo socda ay guddiga hirgelinta doorashooyinka ay shaaciyaan Habraaca iyo Jadwalka doorashadooda.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu soo doortay in ka badan 20 xildhibaan kuwaas oo ka mid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee dowladda federalka Soomaaliya, waana dowlad goboleedka xildhibaannada ugu badan lagu soo doortay.

Kuraastaan waxaa baarlamaankii 10-aad afartii sano ee la soo dhaafay xildhibaanada kala ah :-

HOP#159: Waxaa ku matalayay baarlamaankii 10-aad xildhibaan  Xasan Ibraahim Maxamed.

HOP#175: Waxaa ku matalayay baarlamaankii 10-aad xildhibaan  Axmed Xaaji Maxamed Taaw.

HOP#177: Waxaa ku matalayay baarlamaankii 10-aad xildhibaan  Ibraahim Isaaq Yarow.

HOP#185: Waxaa ku matalayay baarlamaankii 10-aad xildhibaan  Cali Aadan Xuseen.

HOP#188: Waxaa ku matalayay baarlamaankii 10-aad xildhibaan  Aadan Ibraahim Dhaayow.