U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed oo Sheegay in Al-shabaab Ugu Badnaa ay Usoo Guureen Deegaannadeed

Sheeko:Amniga

Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ku sugan deegaanno kamid ah Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo hoos yimaado magaalada Baydhabo oo ciidanka Daraawiishta oo kaashanaya xoogga dalka ay la wareegeen ayaa isaga oo la hadlayo ciidanka waxaa uu sheegay in Shabaabkii ugu badnaa ay soo galeen maamulkaas, isaga oo fariin u diran ciidanka.

“Inta waa nagala wareegtay ilmaha ayey dhigteen, Manaas iyo ilaa Ilo meeshii biyo leh waa dageen, dhulkaan dhan waa soo oodeen, waa ay keensadeen caruurtii ayey la qaxaayaan, dadka Baadiyaha markii aan wareysanay waxaa noo sheegeen qofka haddii uu ku agmaraayo xitaa kulama hadlaayo ayaa la yiri waa wareersan yahay soo inaan wareerka ku galno soo maahan, waa calaacalayaan waxaa ay leeyihiin dhaqankii hore waxbaan ka badalaynaa” ayuu xildhibaan Mahad oo hadlayay.

Xildhibaanka oo hadlkiisa siiwato ayaa waxaa uu sheegay in loo baabahan yahay in reer Koonfur Galbeed ka faaiideystaan kacdoonka jira oo ay xoreeyaan deegaannada maamulkaas uu ka taliyo ee sedexda gobol, waxaana uu ugu baaqay ciidanka in loo diyaar garoobo dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo lumiyay deegaanno badan oo dhaca Koonfur Galbeed Soomaaliya.

” Qori ayey heystaan Qori ayaan heysanaa aan iska dhicino, ceelashii ayey dageen, shacabkii ayey leynayaan, jidadkii ayey go’doomiyeen, umadda kale waddooyinkoodii waa furan yihiin, Waajid maleh, Qasaxdheere maleh, diyaad ayaa la fuulay diyaaraddii waxaa ay rabtaa $100, 50-kii waa $5000, in la dhintaa la rabaa dhimasho ayaa diyaar loo yahay, nimanyohow maqaayadii halkaas ayey timid” ayuu hadalkiisa sii raayey taliye hore Mahad Cabdiraxmaan oo ciidan la hadlayay.

Hadalka kasoo baxay xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ay jiraan howlgallo ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ay ka wadaan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo deegaanno badan lagala wareegay, Al-shabaabkii ugu badnaa ayaa waxaa la sheegayaa in ay u soo wareegeen deegaannada Koonfur Galbeed, waxaana jiray in ciidanka Daraawiishta oo kaashanaya xoogga dalka ay la wareegeen deegaanno ka tirsan Baay.

Goobjoog News