U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed Oo Sheegtay In Xiriirka Ay U Jartay Rooble

Sheeko:Amniga

Maamulka Koonfur galbeed ayaa sheegay in joojiyeen xiriirkii iyo wada shaqayntii kala dhaxeysay xafiiska ra’iisulwasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

KG ayaa sharci darro ku tilmaamtay go’aan xalay ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaare Rooble oo xubna kamid ah guddiga FEIT shaqadii looga joojiyay.

“Dowlad Koonfur Galbeed waxay caddeynaysaa in go’aanka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid sharci darro ah oo baal marsan go’aannadii iyo heshiisyadii wadar-ogolka ahaa ee ay dajisay Madasha Wadatashiga Qaranka”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay maamulka Koonfur galbeed.

Maamulka Lafta gareen ayaa sidoo kale ku eedeyay ra’iisul wasaaraha in uu wado damac shaqsi sida ay hadalka u dhigeen “Dowladda Koonfur Galbeed marnaba ma aqbali doonto damaca shakhsiga ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble oo muddooyinkii u dambeeyay xadgudub joogta ah ku hayay madax bannaanida Guddiyada Doorashooyinka”.

Qoraalka ka soo baxay Lafta-gareen ayaa sidoo kale lagu sheegay in gabi ahaanba ay iska joojiyeen wadashaqayntii doorashada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.

“Dowladda Koonfur Galbeed waxay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka la wadaagaysaa in laga bilaabo xilliga ay warqaddan soo baxday ay joojisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha taabbo-gelinta doorashooyinka, uuna lumiyay kalsoonidii hoggaaminta doorashada dalka oo haatan u baahan in laga samatabixiyo,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Koonfur galbeed.
Goobjoog News