U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed oo Soo Bandhigtay Sarkaal Kasoo Goostay Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Ciidamada nabadsugidda iyo sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay xubin ka tirsan Al-shabaab oo ay sheegeen inuu isku soo dhiibay dhankooda, waxaana la sheegay inuu ahaa salkaal Cumar Deerow Isxaaq, xilliga uu isoo dhiibayay ayuu ku hubaysnaa qoliga AK 47.

Waxaa uu sheegay waqti uu ka hadlay goobtii lagu soo bandhigay inuu taliye u ahaa Jabhad ka kooban tiro ahaan 400 oo ruux, kuwaas oo geysta weerarada dhabagalka ah sida uu hadalka u dhigay, Cumar ayaa xusay inuu Alshabaab ka tirsanaa muddo 8 sano ah uu u dagaalamayay.

Taliska xoogga dalka qeybta 60-aad iyo ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhowr jeer waxaa ay soo bandhigeen xubno ay sheegeen in ay kasoo goosteen Alshabaab ayna dhankooda isku soo dhiibeen waxaana ay dhacday dhowr jeer.

Goobjoog News