U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed: Shabellaha Hoose Laguma Heshiinayo Inta Ay Ciidanka Dowladda Joogaan

Sheeko:Dalka

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gobolka Shabellaha Hoose aanay ka dhici karin wax heshiis ah oo u dhaxeeya beelaha halkaasi ku dagaalsan inta ay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ku sugan yihiin halkaasi.

Wasiir beeraha ee maamulkaasi Maxamed Xasan Fiqi oo marti ku ahaa barnaamijka Maxaa Lagu Heshiiyey ee Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in mar walbo oo ay isku dayaan in wax la xalliyo ay dib usoo furaan mowjado colaadeed ciidanka dowladda waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay in rag ka tirsan ciidanka xoogga dalka kuna sugan gobolka Shabellaha Hoose ay ka qeybqaateen dagaal beeleed ka dhacay gobolkaasi.

“Inta ciidanka dowladda ku sugan yihiin gobolka Shabellaha Hoose lagama yaabo in heshiis halkaasi ka dhaco, sababta ayaa ah in markii la heshiisiiyo beelaha ay ciidamadii intay baxaan ay dad shacab ah soo dilayaan, meeshiina dagaal uu hadane ka billaabanayo” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dhacdadii dhawaan ka dhacday duleedka magaalada Marka ee lagu gubay carruur iyo ayeeyadood ay ka qeybqaateen askar ka tirsan ciidanka dowladda oo uu sheegay in la yaqaano lagulana xisaabtami doono.

“Waxaan la soconnaa saldhiggii ay ka baxeen ciidankii ka qeybqaatay dadkii lagu gubay Marka, taas wax laga aamusayo ma ahan maxkamad ayaan lasoo tiigsan donnaa”

Sidoo kale Wasiirka beeraha maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in hadii ciidamada dowladda meelo cayiman oo aanay kasoo dhaqaaqi karin laga dejiyo gobolkaasi ama gabigoodba la bedalo in la helayo amni iyo heshiis ay gaaraan beelaha Shabellaha Hoose.

Intaasi kadib Goobjoog News ayaa xirir ay la sameysay wasaaradda difaaca xukuumadda Soomaaliya si ay u ogaato eedeyntan loo soo jeediyay ciidanka ku sugan Shabellaha Hoose, hase ahaatee inooma suurta gelin inkastoo weli raadinta mas’uuliyiinta wasaaraddaasi iyo saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Shabellaha Hoose aynu wadno.

Goobjoog News