U bood dhigaalka

Koonfur galbeed: Soo Dhaweynta Madaxweyne Xasan Oo Ka Socota Baydhabo

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta KGM maamulka Koonfur galbeed.

Xasan ayaa kulama la qaadan doona inta uu ku sugan yahay baydhabo madaxda maamulka iyo bulshada rayidka ah ee Koonfurgalbeed.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale waxaa kulamada uu la qaadanayo waxgaradka iyo mas’uuliyiinta Koonfur galbeed looga hadli doonna arrimo ay kamid yihiin abaaraha iyo sidii wax looga qaban lahaa abaarta.

Socdaalka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlin doono xubna uu kamid yahay ergyayga gaarka ah ee arrimaha bini’aadanimada iyo gurmadka abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo, isagoo qayb ka ah soo dhaweynta madaxweynaha.

Dhinaca kale magaalada ayaa laga dareemaya diyaar garowgii ugu dambeeyay ee wafdiga uu hogaaminayo madaxwyenaha.