U bood dhigaalka

Haweeney Isku Qarxisay Daafaha Paris iyo Baaritaankii oo weli Socda

Sheeko:Dalka

Booliiska Faranisiiska ayaa sheegay in labo qof ku dileen daafaha caasimadda Paris ee Saint Denis xilli halkaas ay ka wadeen baaritaan dad lagu tuhunsanaa weeraradii Jimcihii ka dhacay Paris.

Booliiska ayaa saaka baaritaan ugu dhaqaaqay daafaha Paris dhankeeda waqooyi si ay u soo xiraan Cabdixamid Cabuud, ninkan ayaa ka mid ah dad lagu tuhmay weerarkii Jimcihii.

Ilaa 5 qof ayaa lagu xiray baaritaanka, waxaa sidoo kale goobta lagu dila labo qof oo laga shakisnaa sidaa waxaa saxaafadda u sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka amaanka.

129 qof ayaa ku dhimatay weerar jimcihii ka dhacay caasimadda Paris, weerarkaas waxaa sheegtay Daacish.