U bood dhigaalka

Koox Dadka Ka Tahriibin Jirtay Boosaaso Oo Gacanta Lagu Dhigay

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobalka Bari ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah dadka magaalada Boosaaso ka tahriibin jiray dhalinyarada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha gobalkaasi Yuusuf Maxamed Wacays ayaa sheegay in ololaha looga hortagayo Tahriibka uu si xoogan uga socda guud ahaan gobalka Bari.

Waxa uu tilmaamay inay ku guuleysteen ciidamada ammaanka fashilinta qorsheyaal dhalinyaro badan lagu tahriibinayay, sidoo kalena ay gacanta ku hayaan dhowr qof oo dadka tahriibisa, inkastoo aanu cayimin tirada rasmiga ah inta ay la egtahay.

“Waxaan qabanay rag badan oo u abaabulnaa qaab shabakad ah, kuwaasi oo dhalinyarada Soomaaliyeed ka tahriibinayay xeebaha Boosaaso, waxaa lasoo taagi doonaa maxkamad sida ugu dhaqsiyaha badan, ciidamada ammaanka waxa ay habeen iyo maalin ku howlan yihiin sidii ay usoo qaban lahaayeen cid walba oo amni xumi wada” ayuu yiri gudoomiyaha gobalka Bari.

Dhinaca kale gudoomiye Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in amniga guud ee gobalka Bari uu yahay mid wanaagsan, gacantana ay ku hayaan Afar kiis oo ku saabsan dilal ka dhacay magaalada Boosaaso.

Goobjoog News