U bood dhigaalka

Koox Hubeysan oo Sedex Ruux Ku Dishay Gobbolka Galgaduud

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in koox hubeysan ay dil u geysatay sedex ruux oo shacab ah, kuwaas oo reer guuraa ahaa, waxaana laga helayaa faahfaahinno kale.

Kooxda dilka geysatay ayaa hore u siiqaatay qori uu watay mid kamid ah sedexda marxuub ee la dilay, kooxda dilka geysatay ayaa kasoo jeeda degmada Cabdudwaaq, halka kuwa la dilay ay lasoo jeedaan Cadaado.

Dilka oo dhacay habeenimadii xalay ayaa waxaa lasoo sheegayaa in kooxdii dilka geysatay gacanta lagu dhigay sida uu Goobjoog News u xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Cabudwaaq Abdirahman Gacaltooyo.

Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeyso deegaannada Huurshe iyo Hogdugaag ee gobolkaas, dilka ayaa dabajoogay dil hore uga dhacay halkaas.

Gobolka Galgaduud ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilalka la xiriira aanooyinka Qabiilka, iyadoo in badan Galmudug ay gogol nabadeed ay dhex dhigtay labadaan Beelood.

Goobjoog News