U bood dhigaalka

Kooxa Hubeysan Oo Muwaadin Soomaaliyeed Ku Dilay Koonfur Afrika

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay kooxa burcad koonfur afrikaan ah ay dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada dalkaas.

Muwaadinkan oo lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Farayare, ayaa waxaa lagu dilay Tuulada Nyanga oo ka tirsan Magaalada Cape Town.

Dilka muwaadinka Soomaaliyeed ayaa yimid kadib markii koox burcad hubeysan ay ku soo weerareen afaafka hore ee goob ganacsi uu ku lahaa Nyanga oo uu ku sugna xilligii dilka uu dhacayay.

Ciidamada ammaanka Cape Town oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa baritaano kooban ka sameyay kuwaas oo ay ku baadi goobayaan kooxa dilka ka dambeyay wallow aysan ku guuleysan in ay gacanta ku soo dhigaan burcaddi dilka geysatay.

Goobjoog News