U bood dhigaalka

Kooxaha Asal 24 Iyo Jeneraal Daa’uud Oo Wada Ciyaaridoona Fiinaalaha Tartankii Lag Xusayay Laacib (Uurey)

Sheeko:Cayaaraha

Waxaa maanta la soo xeridoonaan tartankii lagu xusayay xidigihii hore Gobolka Baay,LLP Jeenyo iyo Xulka Soomaaliya Maxamed Xaaji Aadam (Uurey) oo dhamaadkii 2019 ku geeriyooday Wadanka Canada, waxaana fiinalaha iskugu soo haray kooxaha kala Asal 24 iyi naadiga Jeneraal Daa’uud.

“Waan u mahad celinaynaa dhamaan ciyaaryahanadii iyo kooxihii ka soo qeyb galay intii uu tartankan socday u jeedada ugu weyn aan u qabanay tartankan waxa uu ahaa isku keenista laacibiintii hore, si dhallinyarada ay bartaan taariikhda laacib Uurey” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Sheekh Maxamuud Caddow oo soo abaabulay tartankan.

Dhinaca kale kulan ciyaareedkan waxaa ka soo muuqanaya Guddoomiyaasha ciyaaraha degmooyinka ee kala ah Warta Nabada iyo Xamar Jajab ee kala ah Saacid Xuseen Cabdi iyo Daadir Amiin Cali,iyagoo si wadajir u sheegay in loo baahan yahay in la badiyo qabsoomida tartamadan oo kale, si loo qiimeeyo xirfadyahanadii ka baxay isboortiga Soomaaliya.

Si kastaba guddiga qaban qaabada koobkii lagu xusayay laacib Uurey ayaa kooxdii ku guulaysta koobkan ugu tala galay abaal marino qaali ah,iyadoo sidoo kale la abaal marindoono shaqsiyaadkii ka qeyb qaatay intii uu tartanka ka socday Magaalada Muqdisho.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Labada Koox Ee Fiinaalka Wada Ciyaaridoona
Goobjoog Sports