U bood dhigaalka

Kooxaha Gudaha Oo Si Weyn Ugu Faa’iday Ciyaartooydii Qurbajoogta Ee Dalka U Imaaday Ciyaaraha Saaxiibtinimo Iyo Is-Dhaxgalka Bulshada

Sheeko:Cayaaraha

Ka dib imaatinkii kooxaha qurbajoogta ee ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada sanadihii lasoo dhaafay waxa ay fursad iyo iso soo dhawaasho u noqotay in xirfadlayaasha wadanka imaaday ay ka faa’ideestaan macalimiinta xulka qaranka iyo kooxaha kubbadda cagta ee ka dhisan gudaha dalka.

Khadar Yuusuf waxa uu ka mid ahaa ciyaartooydii kooxda qurba joogta ee bishii October 2018 caasimada Muqdisho u yimid ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada tirada wafdiga kooxdaas ayaa ka kala yimid dalalka Egland,Sweden,Canada,Norway,America,isagana waxa uu kooxda kaga soo biiray degmada Gaarisa ee waqoyi bari ee Kenya,wuxuuna Goobjoog u sheegay in uu ku farax sanahay u ciyaarida kooxda Dekedda.

“Tani waa tusaale yar oo qeyb ka ah horomarka safarkeenii kowaad ee Soomaaliya sanadaha soo aadan qorshaheena waa in xirfadlayaasha aan dalka kaynayno ay ka faa’iideestaan tababarayaasha xulka qaranka iyo naadiyada kubbadda cagta” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay macalin Nuur Xaaji Cabdi Wali oo ahaa layliyihii caasimada Muqdisho keenay ciyaaryahan Qadar Yuusuf bishii October 2018.

31-January 2019-Kooxda Dekedda ayaa ku guulaystay koobka Somali Super Cup 2018 laacib Qadar waxa uu ka mid ahaa xidigihii Dekedda la hantay koobkaa,wuxuuna markale sheegay in sanadaha soo aadan uu ku guulaysano koobabka kale ee kooxdiisa kusoo wajahan.

13-Febraayo 2019– Kooxda Dekedda ayaa 8-2 kaga badisay dhigeeda L.L.P Jeenyo kulan ka tirsanaa horyaalka Somali Primer League Qadar ayaa kooxdiisa u dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay tan iyo markii uu kusoo biiray bishii Janaayo.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan ciyaaryahanka Cusub Ee Kooxda Dekedd

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/366123114118392/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle