U bood dhigaalka

Kooxaha Jihaadiga Ah oo Dad Badan Ku Dilay Qeybo Ka Mid Ah Afrika Xilli Trump uu Ka Qaadanayo Ciidamadiisa Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Kadib amarka madaxweyne Trump uu ku sheegay inuu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya ayaa waxaa ay keentay walaac laga qabo xoogeysiga kooxaha islaamiyiinta ah ee kasoo horjeeda dowladda federaalka ah.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Boko Haram ay weerarro ka fuliso goobo badan oo  Nigeria iyo gobolka Saaxil ah inkasta oo Mareykanka ay ciidamo ka joogaan Niger iyo goobo Saaxilka ah.

Weerarkii ugu dambeeyey ee ay qaaddo kooxda 110 waxaa lagu dilay ilaa 110 qof oo u badnaa beeraley, France24 waxaa ay sheegtay in weerarkaas ay geeysteen jihaadiyiinta, qaramada midoobey waxaa ay sheegtay inuu ahaa dil wadareedkii ugu dhibaato badnaa sanadkan.

Xuseen Macalin Maxamuud oo ah madaxa machadka arrimaha amniga ee Hiraal ayaa sheegay in go’aanka uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ciidamadiisa uga soo saarayo Soomaaliya ay tahay wiiqidda rajadii dowladnimada.

Donald Trump ayaa sheegay in ciidamadiisa uu kala soo baxayo Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah istiraatiijiyadiisa uu ciidamada kus celiyo.

Ciidamada oo baxaya bisha soo socota ayaa la sheegayaa in sidoo kale laga saarayo dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan.

Mareykanka waxaa ay ciidamado gaaray 700 ka joogaan xerada Balli-doogle ee Shabeellada hoose, inkasta oo aan la ogeyn shaqada rasmiga ah ee ay qabtaan Pentagon waxaa uu sheegayaa inay dowladda Soomaaliya ay ka caawiyaan ladgaalanka argigixisada.

Goobjoog News