U bood dhigaalka

Kooxd Kubbadda Cagta Elman Iyo Gacal Polyclinic Oo Kala Saxiixday Heshiis Dhanka Caafimaadka

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda Kubbadda Cagta Elman ayaa heshiis iskaashi oo dhinaca caafimaadka la gashay Gacal Polyclinic  Center oo ka mid ah xarumaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho,waxaan heshiiska labada dhinac uu socon doonaa mudo labo sano ah,sida ay warbaahinta u sheegeyn madaxda labada dhinac.

“Wada shaqaynta iminka inoo bilaawatay anaga iyo Gacal Polyclinic Center waxay la jaanqaadaysaa jihada horomarineyd ee naada Elman Sports Club,waxayna arinta kor u qaadaysa badqabka ciyaartaaydeena” ayuu saxaafadda u sheegay Cali Axmed Maxamuud (Kuukaay) oo ah guddoomiye ku xigeenka kooxda Kubbadda Cagta Elman Sports Club.

“Sharaf ayay Gacal Polyclinic Center u tahay heshiiska ay la gashay kooxda Elman Sports Club,waxaan guddoomiye Sayid Cali adiga iyo qoyska Elman idin balan qaadaynaa in aad naga heshaan adeeg caafimaad oo waxtar u leh Elman,tani waxa ay bilaaw u tahay horomarinta kubbadda cagta dalka” ayuu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha Gacal Polyclinic Center mudan Nuur Cali Gacal.

Sidoo Kale Aqriso Heshii Ay Elman La Gaartay  Moshan Apparel

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/kooxda-elman-oo-heeshiis-la-gaartay-moshan-apparel/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle