U bood dhigaalka

Kooxda Barcelona oo haddii uu ka tagayo Lionel Messi bedelkiisa ka dhex aragta dalka Jarmalka

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la ogaaday weeraryahanka ay diiradda saaran doonto, kaasoo ay u aragto bedelka Lionel Messi haddii uu kabtankeeda uu ka tago garoonka Camp Nou.

Naadiga reer Calatonia ayaa u kabo gashan doonta sidii ay ula soo wareegi lahayd Erling Haaland haddii Messi uu go’aansado inuu ka tago Barcelona.

Xiddiga xulka qaranka Argentine ayaan weli go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa garoonka Camp Nou, waxaana jira suurtogalnimo ay Barca ugu dhaqaaqi karto ciyaaryahanka Dourtmund, haddii Messi uu ka tagayo kooxda reer Spain.

Sida ay warinayso Jariiradda AS, Erling Haaland ayaa loo aqoonsaday inuu yahay mudnaanta koowaad ee suuqa kala iibsiga Barcelona haddii Lionel Messi uu go’aansado inuu baxo dhammaadka xilli ciyaareedkaan.

Madaxweynaha cusub ee Joan Laporta iyo tababare Ronald Koeman ayaa isbuucaan kulmi doona si ay uga wada hadlaan arrimaha kooxda, iyadoo mustaqbalka ciyaaryahanka reer Argentine uu ku sii dhawaanayo in laga wadahadlo.

Haddii uu ka tago Camp Nou xagaaga, Barca waxa ay u baadi goobeysaa xiddiga Kooxda Dortmund; laakiin imaanshihiisa ayaa ku xirnaan doonta Messi oo hadii uu kabtanku go’aansado inuu sii joogo Weeraryahanka Norway ma imaan doono Camp Nou.